Diyaaradda Ethiopian Airlines oo burburtay [Khaasaraha]

Image

ADDIS ABABA - Diyaarad ay leedahay Shirkadda Eithiopian Airlines ayaa burburtay iyadoo ay la socdeen 149 rakaab ah iyo 8 shaqaalaha ka shaqeeya ahaa.

Dadka la socday diyaaradda ayaa loo maleynayaa inay dhamaantooda ku geeriyoodeen shilka.

War kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa lagu xaqiijiyay burburka diyaaradda, oo ahayd nooca Boeing 737 taasi oo saaka kasoo duushay garoonka Bole International ee Addis Ababa, kuna sii jeeday Nairobi ee caasimada Kenya.

Sidoo kale, Shirkadda Eithiopian Airlines ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey ku sheegtay in xiriirka diyaaradda la waayay saacadu markii ay ahayd 8:44 a.m., kadibna ay burburtay.

Diyaaradda ayaa kasoo duushay Garoonka Bole International Airport 8:38 a.m., waxayna burburtay lix daqiiqadooda kadib markii ay gashay hawada, iyadoo aan ka bixin khadka Eithiopia.

Waxay intaasi ku dartay inuu socdo baadi-goobka diyaaradda, waxaana la ogeyn inay jiraan dad ka bad baaday shilkan diyaaradeeda oo noqonaya midkii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhacay Bariga Africa mudo tobanaan sano ah.

Eithiopian Airlines oo ah Shirkad ay leedahay dowladda ayaa kamid ah diyaaradaha ugu casrisan ee ka howlgala Africa, waxayna dhawaan soo iibsatay raxan diyaarado cusub ee nooca Boeing 737 ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM