Diyaaradda Ethiopian Airlines oo burburtay [Khaasaraha]

Image

ADDIS ABABA - Diyaarad ay leedahay Shirkadda Eithiopian Airlines ayaa burburtay iyadoo ay la socdeen 149 rakaab ah iyo 8 shaqaalaha ka shaqeeya ahaa.

Dadka la socday diyaaradda ayaa loo maleynayaa inay dhamaantooda ku geeriyoodeen shilka.

War kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa lagu xaqiijiyay burburka diyaaradda, oo ahayd nooca Boeing 737 taasi oo saaka kasoo duushay garoonka Bole International ee Addis Ababa, kuna sii jeeday Nairobi ee caasimada Kenya.

Sidoo kale, Shirkadda Eithiopian Airlines ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey ku sheegtay in xiriirka diyaaradda la waayay saacadu markii ay ahayd 8:44 a.m., kadibna ay burburtay.

Diyaaradda ayaa kasoo duushay Garoonka Bole International Airport 8:38 a.m., waxayna burburtay lix daqiiqadooda kadib markii ay gashay hawada, iyadoo aan ka bixin khadka Eithiopia.

Waxay intaasi ku dartay inuu socdo baadi-goobka diyaaradda, waxaana la ogeyn inay jiraan dad ka bad baaday shilkan diyaaradeeda oo noqonaya midkii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhacay Bariga Africa mudo tobanaan sano ah.

Eithiopian Airlines oo ah Shirkad ay leedahay dowladda ayaa kamid ah diyaaradaha ugu casrisan ee ka howlgala Africa, waxayna dhawaan soo iibsatay raxan diyaarado cusub ee nooca Boeing 737 ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM