Dowladda Itoobiya iyo ONLF oo billaabey dhaqan-gelinta Heshiiska Nabadda

Image

JIGJIGA - Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa ku dhaqaaqaya fulinta heshiiska nabadeed ee ay ku kala saxiixdeen sanadkii hore ee 2018 magaaladda Asmara ee dalka Eritrea.

Qodobada heshiiska waxaa kamid ah in ONLF ay dhaqdhaqaaq siyaasadeed ay sameysato iyo in malleeshiyaadleeda lagu biiriyo ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee loogu yeero Liyuu Boolis.

Saraakiisha Ururka ayaa xaqiijiyay in 1,742 dagaalyahano ay ku biiriyeen Liyuu boolis, iyadoo tani qeyb ka tahay qorshaha lagu sameynayo hal ciidan amni, oo dowlad degeenka ay leedahay.

Maxamed Cumar Cismaan, gudoomiyaha ONLF oo arrintaan farxad ka muujiyay ayaa shaaciyay in ay qayb ka tahay in ay si nabdoon ku raadiyaan xuquuqda shacbiga Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in isbedalka ka hano qaaday gobolka oo uu ku tilmaamay mid ku socda si dardar leh uu xidadeysto, si ay dadwaynaha uga faa’ideystaan.

Talaabada lagu mideynayo xoogaga labada dhinac ayaa dhabaha u xaareysa in gobolka uu yeesho xoogaga amniga qaabilsan oo talis qura ah leh, taasi oo meesha ka saareysa qul-qulatooyinka.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Ururka uu ku dhawaaqay inuu Hubka dhigayo, iyada oo ciidamadeeda oo Jigjiga ka degay dabayaaqada sanadkii hore ay haatan ku jiraan xero ciidan oo ku taala duleedka magaalada.

Heshiiska nabada oo lagu saxiixay magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa ayaa waxaa qayb ka ah in ciidamada ONLF ee ku naafoobay dagaaladii ay la galeen Itoobiya ay helaan daryeel noladeed iyo mid caafimaad.

1-da bishaan Janaayo 2019 ayey ONLF ku dhawaaqday inay ka qaybgaleyso doorashada degaanka ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, taasi oo kamid ah ahayd qodobadii dhinaca siyaasada ee heshiiska ku xusnaa.

Isbedal ayaa ku yimid siyaasada Itoobiya tan iyo markii uu xafiiska yimid Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed kaasi oo balanqaaday inuu dhamaan dhinacyada hubeysan la heshiinayo taasi oo qayb kamid ah hir-gashay inkasta ay howli u harsan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM