DRC Congo: In ka badan 100 oo ku dhintay doon qalibantey
KINSHASA, DRC - Ugu yaraan 145 qof oo rakaab ah ayaa la la’yahay waxaana laga cabsi qabaa in ay dhinteen kadib markii doon matoor ah oo si xad dhaaf ah loogu raray dad iyo xoolo ay ku degtay webi ku yaalla waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo [DRC].
Ilaa 55 qof ayaa illaa haatan ka badbaaday masiibadan, sida ay saraakiishu sheegeen. Mas'uuliyiinta ayaa intaas ku daray in ay baadigoobayaan meydadka dadka kale.
Doonta ayaa ku socotay dalka ay jaarka yihiin ee Congo, waxaana ay ku qalibantay webiga Lulonga xilli dambe oo Talaadadii ah meel u dhow magaalada Basankusu.
Jean-Pierre Wangela, oo ah madaxweynaha ururada bulshada rayidka ah ee deegaanka ayaa u sheegay suxufiyiinta in ugu yaraan 145 qof la la’yahay.
Wangela ayaa xusay in rarka xad dhaafka ah ee doonta u rogmatay, balse wuxuu carabka ku adkeeyay in dadka degaanka ay heystaan fursado kale oo yar.
"Waxaa saarnaa ku dhawaad 200 oo qof. Ma jiro waddo kale oo gaadiid ah oo hadda ka jirta gobolkayaga iyo halkan dhulka Basankusu," ayuu hoosta ka xariiqay.
Doonyaha rogmada oo sababa tobanaan dhimasho ah ayaa muddooyinkii dambe kusoo kordhay baadiyaha fogfog ee DRC, halkaas oo safar waddo ah ay mararka qaar aan macquul ahayn.
Qaar badan oo ka mid ah doonyaha ayaa aalaaba si xad dhaaf ah loogu raraa alaabooyin iyo dad aan aqoon sida loo dabaasho. Dadaalada samata bixinta ayaa aad u liita degaanada. Bishii Oktoobar, in ka badan 40 qof ayaa ku dhintay webiga Congo ee gobolka Equateur xaalado la mid ah.
GAROWE ONLINE