DRC: In ka badan 30 qof oo lagu laayay weerar gaadmo ah

Image
Falaagadda caanka ah ee CODECO ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen falkan.

KINSHASA, DRC - Ugu yaraan 33 qof ayaa la dilay kadib markii maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen magaalo ku taal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ee DRC, sidda ay sheegtey hay'ad dabagal ku sameysa arrimaha waddanka. Warbixintan waxay sare u qaadaysaa tiradda dhimashada ee hore loo soo sheegay.

Kivu Security Tracker, oo ah hay'adda, ayaa barteeda Twitter-ka waxay ku qoray in ugu yaraan 33 qof, oo ay ku jiraan xubno maleeshiyaad ah iyo dad rayid ah, ay dhinteen ka dib weerar ay maleeshiyada caanka ah ee CODECO ku qaadeen magaladda Mongbwalu ee gobolka Ituri.

Ma cadda tirada dadka dhintay ee rayidka ah, hase ahaatee, trada cusub ee geeridda  waxay sare u qaadaysa dhimashada hore loo sheegay ee ah in 22 qof lagu dilay weerarkii magaalada Mongbwalu.

Duqa magaalada Jean-Pierre Bikilisende ayaa horaantii todobaadkan u sheegay wakaalada wararka ee AFP in 22 meyd ah la helay kadib isku dhacyo dhexmaray maleeshiyaadka iyo ciidamada Congo.

"14 qof oo rayid ah iyo siddeed dabley ah ayaa la dilay," ayuu yidhi, isaga oo sharxaya in xubnaha CODECO ay wadeen weeraro tan iyo Talaadadii si ay u soo furtaan dagaalyahanno kale oo ay qabteen ciidamada ammaanka Congo.

CODECO - Iskaashatada Horumarinta Kongo - waa koox diimeed siyaasadeed oo sheegta inay matalaan danaha kooxda qowmiyadda Lendu waxaana ay fuliyaan weeraro uu dhiig ku daato.

Sanadkii la soo dhaafay, dowladda Congo ayaa saraakiisha ammaanka u xilsaartay Ituri iyo gobolka deriska la ah ee Kivu, si ay u xakameeyaan rabshadaha, laakiin weerarrada ayaa sii socda. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxaa muddo sanado ah ka aloolsan xasilooni darro ay Qaramada Midoobay isku-dayday in ay xakameyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM