Ebola oo bukaankii ugu horeeyay ku dilay caasimada Uganda

Image
Dalka Uganda waxaa laga helay 54 xaaladood oo la xaqiijiyey balse horey geeri loogama diiwaangelin magaalada.

KAMPALA, Uganda - Qof qaba cudurka Ebola ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalla caasimadda Uganda, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka.

Wuxuu ahaa dhibbanihii 19-aad ee cudurka dilaaga ah ee horey u dillaacay laakiin ugu horreeyay ee ku dhintay Kampala.

Dalka Uganda waxaa laga helay 54 xaaladood oo la xaqiijiyey balse kuwa kale laguma diiwaangelin magaalada.

Labaatan qof ayaa ka soo kabsaday oo ay ku jiraan shan dhakhtar oo cusbitaalkii ugu horreeyay ee kiis lagu daweeyay. Waxaa la fasaxay Talaadadii.

Qofka ku dhintay Kampala ayaa horay ay mas’uuliyiintu u garanayeen inuu la xiriiro fayraska.

Ebola waxa uu ku fidaa bini'aadamka marka uu si toos ah ula taabto dareeraha jidhka iyo meelaha wasakhaysan. Aaska waxay noqon kartaa khatar gaar ah haddii dadka ay xidhiidh toos ah la yeeshaan jidhka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa meesha ka saaray xannibaado, isagoo yiri: "Ebola uma fido sida corona[virus]" maadaama uusan ahayn cudur hawada laga qaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyey: Dhisme dabaqyo badan ka kooban oo ku dumay Nairobi

Warbaahinta caalamiga ah iyo tan Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga warbixiyey tirada…

  • Afrika

    23-10-2026

  • 03:36PM

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM