Emmanuel Macron oo booqasho taariikhi ah ku tegay Kenya
NAIROBI, Kenya - Madaxwaynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa galabnimada Arbacada gaarey Kenya, halkaasoo lagu soo dhaweeyay.
Socdaalkaan oo ah mid taariikhi ah ayaa ka dhigaya Macron in uu noqonayo madaxwaynihii ugu horeeya ee France oo booqda Kenya.
Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa Aqalka Madaxtooyada kusoo dhaweeyay dhigiisa Mr Macron, halkaasoo kulamo ay uga bilawdeen.
"Waxaan ku faraxsanahay in aan ku qaabilo saaxiibkey safarkiisa taariikhiga ah ee Kenya. France iyo Kenya waxay leeyihiin cilaaqaad dhinacyo badan oo labada shacab faa’ido u ah," ayuu Kenyatta ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.
– Ajendaha Kenya –
Labada hogaamiye ayaa la rajeynayaa in ay kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah xili Paris ay xusul-duub ugu jirto in kordhiso saameynteeda bariga Afrika.
Heshiisyada ayaa salka ku hayn doona ajendayaasha xukuumada, kuwaasi oo ku saabsan caafimaadka, tamarta, guryenta iyo kaabaasha dhaqaalaha.
Mr Kenyatta ayaa la filayaa in uu kusoo qaado Macron dadaalada Faransiiska ee ciribtirka argagaxisada, si gaar ah taageero ay France ay siiso AMISOM.
Kenya ayaa 2011-kii ciidamo u soo dirtay Sooomaaliya kuwaasoo qayb ka ah howlgalka nabad-illaalinta midowga Afrika ee AMISOM.
Khamiista berri ah, Mr Macron ayaa ka qaybgeli doona shirka looga hadlayo isbedalka cimilada oo ka dhici doona magaaladda Nairobi.
– Saameynta Shiinaha –
Madaxwayne Macron ayaa u tegay dalal badan oo Afrika ah si uu uga hortago Shiinaha oo saameyntiisa ay sii kordheyso.
Hogaamiyaha dalka ku yaalla Yurub ayaa booqday Jabuuti iyo Itoobiya, halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxwayne Ismaaciil iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Marka laga hadlo Jabuuti – Paris iyo Beijing – si lamid ah Japan iyo Mareykanka – waxay ku leeyihiin dalka ugu yar bariga Afirka saldhigyo, taasoo sabab u ah in uu ku yaallo marin muhiim ah.
Sidda laga soo xigtay AFP, madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, oo 2017-kii markii Madaxwayne Xi Jinping tegay Jabuuti, isku tilmaamay "saaxiibka ugu fiican China" ayaa u sheegay Marcon "Fursad ayaa France uga banaan shirkadaha si gaar ah kuwa kaabayaasha dhaqaalaha".
– Kiiska Itoobiya –
Isaga oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Abiy, Mr Marcon ayaa booqday magaalada muhiimka u ah Itoobiya ee Lalibela, halkaasoo tan qarnigii 13aad ay ku taallo kaniisad ay UNESCO qiimeyn gaar ah siisay.
Intii uu ku sugnaa Itoobiya, Marcon ayaa balanqaaday taageero dhaqaale iyo in uu ka taageerayo dalka aan badda lahayn dhismaha ciidamo badeed.
Dhanka kale, waxa uu tegay Rwanda, halkaasoo uu ka qeybgalay 25-sano guuradii kasoo wareegatay xasuuqii ka dhacay dalkaasi 1994, markaasoo la dilay 800,000 oo muwaadiniin wadankaasi u dhashay ah.
GAROWE ONLINE