Eritrea oo lagu booriyey in ay joojiso "faragelinta Itoobiya"
ADDIS ABABA, Ethiopia - Wararka sheegaya in Eritrea ay uruurinayso ciidamo kayd ah ayaa keenay walaac caalami ah oo laga qabo in dagaalka dib uga soo cusboonaaday gobolka Tigray ee Itoobiya uu si degdeg ah u sii fido.
Afhayeen u hadlay ciidamada Tigreega ayaa Talaadadii sheegay in ciidamada Eritereya ay qaadeen "Weeraro baaxad leh" oo ay ku taageerayaan ciidamada Itoobiya.
Saraakiisha Eritrea iyo Itoobiya ayaan wali ka hadlin wararka iyo duqeymaha isdaba jooga ah ee bishan ay saraakiisha isbitaalku sheegeen in lagu dilay dad shacab ah oo u dhashay Tigrayga.
Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay afhayeen u hadlay Jabhadda Xoreynta Tigrayga ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay weerar saf ballaaran ah ku qaadeen qeybo ka mid ah gobolka Tigreega iyaga oo gacan ka helaya ciidamo ka soo jeeda gobollada Axmaarada iyo Canfarta. Getachew Reda ayaa sheegay in ciidamada TPLF ay difaacyo kaga jiraan cadawgooda.
Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, ayaa soo gabagabeeyey booqashadiisa Itoobiya usbuucii hore, waa booqashadii saddexaad ee tan iyo markii loo magacaabay bishii June. Warbixin kooban oo uu bixiyey Talaadadii, Hammer wuxuu ku sheegay in Eritrea ay joojiso faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee deriskeeda.
"Waan la soconay dhaq dhaqaaqa ciidamada Eritrea ee xadka, aad ayaan uga walaacsanahay, waana cambaareyneynaa, dhammaan kuwa shisheeye waa in ay ixtiraamaan midnimada dhuleed ee Itoobiya oo ay iska ilaaliyaan in ay sii huriyaan colaadda. si isdaba joog ah," ayuu yiri Hammer.
Wuxuu raaaciyey hadalkiisa: "Waxaan ku dhiirigelin doonaa kuwa awood u yeelan kara inay si toos ah ula xiriiraan Asmara in tani ay tahay walaac xad dhaaf ah oo ay tahay in la joojiyo."
Eritrea ayaa taageertay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo kooxda TPLF bishii November 2020.
Mas'uuliyiinta Tigrayga ayaa Eritrea ku eedeeyay inay ku xad-gudbeen xuquuqda dadka ku nool gobolkaas. Hase ahaatee, Asmara way iska fogeysay eedeymahaas iyadda oo ku adkeysatay in aysan wax faragelin ay sameyn.
GAROWE ONLINE