Ethiopia: Sarkaal sare kana tirsanaa jabhada OLF oo lasii daayay
ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daysay taliye sare oo ka tirsan Jabhadda Oromada ee OLF, labo sano kaddib markii "si sharci darro ah loo xiray," kaddibna xabsiga loo taxaabay, iyadoo aan maxkamad la horgeyn, arrintan oo u muuqata mid ku cusub dalkan ku yaala Geeska Afrika.
Kornayl Gemechu Ayana ayaa la sii daayay Arbacada maanta ah, maalin uun ka dib markii maxkamadda sare ee federaalka ay go’aan ka soo saartay dacwadiisa, taasoo keentay in maamulka Addis Ababa ay si degdeg ah u baaraan xorriyadiisa. Waxaa dib loo xiray bishii Luulyo 2020 ka dib mudaaharaadyo ka dhashay dilkii Al-Fanaan Hachalu.
Sannadkii hore, Gaashaanle Sare Gemechu iyo 13 qof oo kale ayay booliisku soo qabteen kadib markii Maxkamadda Sare ee Federaalka 3-aad ee La-dagaalanka Argagixisadda iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ay sii daysay, amarna ku bixisay in la sii daayo, sida uu qoray Wargeyska Addis Ababa Standard.
In kasta oo dammaanad lagu sii daayay, haddana waxa uu ku jiray xabsi, marar badanna waa la xidhay, waxaanu dhawr habeen ku qaatay in ka badan 20 xero oo rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ahayn oo dalka gudihiisa ah. Qoyskiisa, kooxaha sharciga ah iyo qaraabadiisa ayaa inta badan lagu hayay mugdiga halka uu ku sugan yahay.
Bishii Janaayo ee sanadkii hore 2021-dii ayaa waxaa loo wareejiyay qeybta xabsiga lagu hayo ee ku caan baxday dagaalada joogtada ah ee maxaabiista.
Hogaamiyayaasha Oromo Federalist Congress [OFC] Jawar Mohammed iyo Bekele Gerba ayaa cunada ka soomay iyaga oo dalbanaya in Colonel Gemechu loo wareejiyo xabsiga nabdoon.
Bishii Nofeembar ee sannadkii hore 2021-kii, taliyaha sare ayaa la horgeeyay maxkamadda sare ee federaalka ee joojinta xukunka ka dib markii dowladdu ay ku guuldareysatay inay racfaan ka qaadato, lix bilood ka dib markii lagu waayay wax dambi ah. Waxa uu ahaa mid ka mid ah maxaabiista siyaasadda ee dalka ugu magacaaban.
GAROWE ONLINE