Faahfaahin dheraad ah: Kadib qabashadii Madaxweynihii DDS Itoobiya

Image

JIGJIGA-Milatariga dowladda Federaalka Itoobiya ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, oo maalmihii ugu dambeeyey la sheegay in wadahadal i dhexeeyo dowlada dhexe.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha laga qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo Milatariga Itoobiya ay qabsadeen Sabtidii lasoo dhaafay, iyaga oo isku hareereeyay guud ahaan dhismayaasha dowladda.

Fahfaahinta laga helayo warkaan ayaa intaas ku daraysa in laga yaabo in Cabdi Illey loo kexeeyo xarunta dowladda Federaalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Dowlada Itoobiya ayaa diidey Madaxweynihii maalintiii shalay xilka si KMG ah uu ugu wareejiyey Cabdi Ileey iyadoo dhowaan la filayo in Maaxweyne Cusub goor dhaw loo soo magacaabo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaas oo aan ka mid aheyn maamulkii Hore ee ay isbedelka ku sameysay Xukuumadda Federaalka Itoobiya.

Tanni ayaa waxba kama jiraan ka dhigaysa magacaabidii shalay ee Madaxweynihii KMG ahaa Axmed Cabdi oo ahaa mid kamid ah Saaxiibadii Cabdi Maxamuud Cumar oo mudo dhan 10 sanno maamulayay Deegaanka Soomaalida.

Dhinaca kale Dowlada Faderaalka Itoobiya ayaa ku amartay Milaterigeeda iyo dhamaanba ciidamada Heer Faderaal in ay howlgalo Milateri ka fuliyaan gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya laga bilaabo waqtigan, ciidamada Liyuu Police-ka ayaa loogu amray in ay amarka ka qaataan Wasaaradda Gaashaandhiga Itoobiya.

Sidaas waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Warfaafinta ee Itoobiya Axmed Shide oo shir jaraa'id ku qabtay magaaladda Addis Ababa.

Wasiirku wuxuu ugu baaqay Shacabka Soomaalida in ay deris wanaag kula noolaadan Qowmiyadaha deriska la ah, xili Qowmiyada Oromada lagu eedeynayo in ay weeraro ku hayaan dhulka Soomaalida.

Talaabaddaan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo gobolka ay ka jirtay maalmihii u dambeeyay xiisad ka dhalatay markii ciidamada Federaalka Itoobiya ay qabsadeen Magaalada Jigjiga, taasoo barakicisay dad badan, kuwa kalena lagu dilay.

GAROWE ONLINE +WAKAALADAaHA

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM