Facebook oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta colaada Tigray

Image
Shirkadda oo lagu eedeeyay buunbuuninta dagaalada ayaa laga doonayaa $2 bilyan oo magdhow ah.

NAIROBI, Kenya - Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa laga furey dacwad ka dhan ah shirkadda Facebook, iyada oo lagu eedeeyay in ay sii hurisey dagaaladii ka jirey Itoobiya ee u dhaxeeyay dowladda iyo Jabhadda TPLF.

Dacwadan ayaa waxaa furey cilmi baare lagu magacaabo Abraham Maereg, hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty iyo urur kale oo Kenya ka dhisan, waxaana shirkadda laga doonayaa magdhow $2 bilyan doolar ah.

Shirkadda Facebook ayaa si gaar ah waxaa loogu haystaa in ay fududeysay buunbuuninta dagaalada iyo faafinta wararka been abuurka ah ee dagaalada sii huriyay.

Waxaa shirkadda laga doonayaa in ay wax ka badesho farsamaha Algorithm-ka loo yaqaano, islamarkaasna shaqaalaysiisato dad afafka maxaliga ah ku hadla si ay u sahlanaato in la faafreebo waxyaabaha aanan habboonayn.

Muuqaalo, sawiro iyo qoraalo been abuur ah oo tiro badan ayaa si weyn loogu faafiyay Facebook intii uu socday dagaalkii Itoobiya ee dhowaanta heshiiska laga gaaray.

Abraham ayaa xusay in uu ka midyahay dadka dhibbanaha u ah wararka been abuurka ah ee Facebook kadib markii la diley aabihiis oo ahaa bare jaamacadeed oo ay dileen kooxo hubeysan markii laga faafiyay warar been abuur ah.

Colaadda waqooyiga Itoobiya ayaa hadda u muuqata mid lasoo afmeeray maadaama dhinacyadda dirirtu u dhaxeysay ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo uu garwadeen ka ahaa Midowga Afrika ayna taageereen reer galbeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM