Fadeexad "ballaaran" oo hareysay madaxweynaha Koonfur Afrika

Image
Cyril Ramaphosa ayaa qarka u saaran in uu waayo xilkiisa laguna soo oogo fal-dambiyeed.

CAPE TOWN, South Africa- Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa wajahaya baaqyo uu ku aadan inuu xilka kaga dego, sababo la xiriira eedeynta ah inuu isku dayay inuu qariyo xatooyada malaayiin dollar oo lacagta Mareykanka ah oo lagu dhex qariyay alaabta guriga ee beertiisa ugaarta.

Eedeymaha uu soo jeediyay madixii hore ee hay’adda sirdoonka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in dadka lagu tuhunsan yahay dhaca labada sano ka hor ay ku raad joogeen oo ay afduubteen ciidamada ilaalada madaxtooyada Ramaphosa.

Sida laga soo xigtay mas'uulkan oo magaciisa la hadal-hayo, dadka ayaa la waydiiyey su’aalo la xiriira hantidiisa, lana laaluushay si ay uga aamusaan jiritaanka lacagtaas, waxna looma sheegin booliiska.

Eedeymaha ayaa si xun u wiiqaya sumcadda Ramaphosa oo dhowr fagaare iyo ololihiisa doorashada madaxtiniamda isku qeexay hoggaamiye u heellan la dagaalanka musuqmaasuqa.

Laba xisbi oo kale oo mucaarid ah ayaa usbuucan ka codsaday baarlamaanka inuu Ramaphosa geliyo "fasaxa Sabtida" oo uu bilaabo baaritaanka baarlamaanka. Taas waxaa diiday guddoomiyaha baarlamaanka.

Ma jiro wax dambi ah oo lagu soo oogay Ramaphosa oo ay booliisku ku dhawaaqeen, inkastoo unug ka shaqeeya dambiyada waaweyn iyo kuwa caanka ah ay baarayaan eedeymaha Fraser.

Fadeexadan oo ay saxaafadda Koonfur Afrika u bixisay "Farmgate" ayaa halis ku ah inay soo afjarto madaxweynenimada Ramaphosa ayna khalkhal geliso dalka ugu dhaqaalaha horumarsan Afrika. Koonfur Afrika waa xasaasi ka ah mawduuca musuqmaasuqa iyo lunsashada xoolaha dadweynaha madaxna way galaafatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM