Fanaan caan ah oo dacwad kusoo oogay madaxweynaha Uganda

Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, waxaa dacwad kusoo oogay far-shaxaiiste ahna fanaan maxali ah, Richard Kaweesa, kaasoo ku eedeeyay in uu heestiisa 'Another Rap' u adeegsaday olalihii 2011-kii.

Kaweesa oo ku doodaya in Museveni aysan dacwadeed ka difaacay doonin xasaanada uu leeyahay ayaa shaaciyey in wax soosaarkiisa gaarka ah iyo hal-abuurkiisa uu sharciga u ogolaanayo in uu difaacdo.

"Qodobka 104aad ee dastuurka ayaa qeexaya ficilada shaqsiga ah ee doorashada marka madaxweynaha xasaanada uu leeyahay kama sareyso nidaamka sharciga ee maxkamada," ayuu Kaweesa ku yiri qoraal uu soo saarey.

Heesaagan ayaa ku nuux-nuux saday in cabashadadiisa oo gaartay hogaamiyaha Yugandha mudada ay socoto maxkamadeynteeda madaxweyaha laga xayuubin doono xasaanada, sida uu qabo qodobka 107aad ee dastuurka.

"Sidaasi awgeeda, ma ahan guud ahaan falalka uu madaxweynaha ahaan ku melatayo, kuwaasoo ay ilaalinayaan xasaanada madaxtinimada," ayuu hadalkiisa raaciyey Fanaankaan caanka ah.

Hal-abuurahan ayaa sanadkii hore codsi u qoray madaxweyne Museveni, isaga oo dalbanaya in la siiyo Shan bilan oo dollar-ka Mareyanka oo magdhow, maadaama lagu gafay xuquuqdiisa gaarka ah.

Kaweesa ayaa qiray in heestiisa oo uu qoray kadibna ku luuqeeyay ay caan noqotay ka gedaal markii uu Museveni ku olaleeyay, uuna ku guuleystay codadka doorashadii 2011-kii, taasoo si weyn loogu loolamay.

Isaga oo ka jawaabaya eedeymahaasi, madaxweyne Museveni oo dafiray sheegashooyinkaasi ayaa ku adkeystay in heestaasi uu sharciyeystay kahor isticmaalkeeda.

Qareenada difaacaya madaxweynaha ayaa tibaaxay in Museveni uu iib-saday heesta, taasoo ka dhigeysa in uu ogolaanshiyo u haysto ama uu isaguba leeyahay xuquuqdeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM