Fayrus lamid ah Ebola oo laga "ciribtiray" dal uu ka dilaacay
ACCRA, Chana - Ghana ayaa ku dhawaaqday in ay ka adkaatay cudurka dilaaga ah ee Marburg kadib markii 42-dii maalmood ee lasoo dhaafay aan laga helin bukaano cusub, sidda ay sheegtay dowladda.
Mas'uuliyiinta ayaa markii ugu horeysay shacabka ku wargaliyay cudurka dilaaga ah ee aadka u faafa kaasoo la xiriira Ebola bishii July ka dib markii laba dhimasho ah la diiwaan geliyay.
Mid ka mid ah kiisaskan ayaa markii dambe soo baxay in si khaldan loo baaray. Isku soo wada duuboo, saddex qof ayaa ku dhacay fayraska waxaana jira laba dhimasho ah: aabbe iyo ilmahiisa oo 14 bilood jir ah. Qofka saddexaad - hooyada - ayaa bogsatay oo markii ugu dambeysay laga helay bishii Ogosto.
Ku dhawaad kiis 200 oo la xiriiray saddexda qof ee cudurka qaba ayaa la baarey laakiin midkoodna wax calaamado ah ma yeelan. "Ghana waa nabad," ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Adeegga Caafimaadka Ghana, Dr Patrick Kuma-Aboagye.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa u mahadceliyey Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo hay’adaha kale ee gacan ka geystay sidii uu dalka wax uga qaban lahaa cudurkan.
"In kasta oo aan khibrad hore u lahayn cudurka, jawaabta Ghana waxay ahayd mid degdeg ah oo xooggan," ayay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay madaxa WHO ee Afrika Dr Matshidiso Moeti.
Tani waxay ahayd markii labaad ee Marburg lagu aqoonsaday Galbeedka Afrika.
Hal kiis oo la xaqiijiyay lana xiriira fayruskan ayaa ka dhacay Guinea sannadkii hore, laakiin cudurkaas ayaa lagu dhawaaqay inuu dhammaaday Sebtembar, shan toddobaad ka dib markii kiiska la helay.
GAROWE ONLINE