France oo ka saacidaysa Itoobiya dhismaha ciidamada badda
ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya iyo Faransiiska ayaa Talaadadii kala saxiixday iskaashi milatari, heshiis uu ka qayb ka yahay in dalka aan lahayn badda laga caawiyo dhismaha ciidamo badeed, xili Paris ay raadineso in ay saameyn dhaqaale ay ku yeelato dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.
Socdaal afar maalmood oo uu Afrika ku bixiyay, madaxwayne Emmanuel Macron ayaa umuuqda mid kala dhantaalaya taariikhda France ee gumeysiga qaarada iyo cilaaqaad dhow oo uu gobolka la yeesho, taasoo sanadihii u dambeeyay loo arkayay mid hooseeya.
Macron ayaa doonaya in uu ka faa’ideysto awooda jiliacsan ee dhaqan ahaan, waxbarasho iyo milatari, si uu Faransiiska u saldhigto Itoobiya.
"Iskaashiga dhinaca milatari ee aan la filayn waxa uu bixinayaan jadwal howleed iyo wadada ay France uga taageeri karto Itoobiya dhismaha ciidamo badeed," ayuu Macron ka yiri shir jaraa’id iyada isaga oo uu garab taagan yahay Abiy Axmed.
Axdiga waxaa sidoo kale ku xusan iskaashi dhinaca hawada ah, howlgalo wadajir ah iyo fursad tababar iyo soo iibasashada qalab.
Abiy, oo xafiiska la wareegay bishii April sanadkii hore, ayaa saameyn ku yeeshay siyaasada gobolka, oo uu isbedal dhaqaale ka sameeyay, isaga oo cafiyay kooxihii hubeysnaa, dibna u heshiisiin la galay Eritrea.
Ciidamadii Badda Itoobiya ayaa burburay 1991-dii markii gobolkii ka deganaa Eritrea oo ku yaalla Badda Cas, uu ka qarxay dagaal socday 30-sano oo xorriyad u dirirnimo ahaa.
"Waxaan halkaan u joognaa sida dalal saaxiibo ah…waxaanu rabnaa in aanu xoojino oo aan dhisno bog cusub oo taariikheeda," ayuu Macron yiri, isagoo ku daray "Tan iyo markii aad ra’iisul wasaare noqotay [Abiy Axmed] aragtideena ku aadan Ethiopia si dhab ah ayuu isku badashay."
– Sooyaalka France ee Itoobiya –
Marka laga hadlayo taariikhda Faransiiska ee Itoobiya waxay dib ugu laabaneysaa qarnigii 20aad, markaasoo ay soo bilaabatay.
France waxa uu Itoobiya ku leeyahay safaarada ugu balaaran caalamka, taasoo uu bixiyay dhulka laga dhisay boqor Menelik, sanadkii 1907.
Sanadku markuu ahaa 1917-dii, Faransiiska ayaa hirgeliyay wado isku xirta Jabuuti iyo Addis Ababa, balse waxaa saameeyay ganacsiga China.
"Jidka isku jira Jabuuti iyo France waa 100-sano jir…Shaqada aan hadda rabno in aan qadano waxay shaqeynaysaa wax badan…laga yaabee in aan ka hadli doono 100-sano kadib," ayuu yiri Abiy Axmed.
Itoobiya ayaa heshiis dhanka badda ah kula jirta dalal ku yaalla gobolka, oo Soomaaliya oo mudo ku dhaw 30 sano aysan ka jirin dowlad xooggan, ay kamid tahay.
GAROWE ONLINE