Gaari shan bilood kahor laga xaday madaxweyne oo la helay

Image

NAIROBI, Kenya – Ma ahan arrin sahlan in aad xatooyo sameyso, inkasta oo lagu sii kala xariifsan yahay, kaba sii daran marka ay tahay hanti dowladeed gaar ahaan madaxwayne.

Hasayeeshee, waxaa sheekadaasi shan bilood kahor ku dhiiraday nin, kaasi oo lasoo baxsaday gaari uu lahaa hogaamiyaha wadanka Uganda ee qaarada Afrika.

Tan iyo waqtigaasi laamaha amaanka ayaa ku raad-joogay shaqsigaasi oo la sheegay in uu lasoo aaday dhanka dalka Kenya

Baabuurka oo noociisu yahay Toyota Kluger ayaa laga helay buunadada Gilgil, oo ku taala magaalada Naivasha ee dalka Kenya, inkasta oo baxsaday ruuxii lahaa.

Waaxda Dambi Baarista oo qirtay in ay tageen gaariga oo meel iska yaala ayaa sheegaysa inay mar sii horeysay heli lahaayeen ciladu ay kamid markii la badalay aqoonsiga lamberkiisa.

Lama hubbo hadii gaariga uu yahay mid uu si shaqsi ahaan u leeyahay madaxwayne Yoweri Museveni ama hadii uu kamid yahay hantida madaxtooyadda.

Bishii lasoo dhaafay ee Agoosto ayay ahayd markii gaari nooca raaxada ah oo uu lahaa Uhuru Kenyatta, hogaamiyaha Kenya oo la xday laga soo helay Tanzania.

Laba ruux ayaa xiligaasi loo xiray dhacdadaasi, sida ay sheegeen Booliska, wallow warkooda aanan dib dambe loo maqlin, taasi oo dadka ay su'aallo iska waydiinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM