Geelle oo Abiy Axmed ku amaaney dedaalladda Nabadda gobolka Geeska Africa

Image

JABUUTI - Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku amaaney Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ballanqaadkiisa ku aaddan nabadda gobolka iyo barwaaqada.

Isagoo ka hadlayay kulan saddex maalmood socday oo Safiiradda Jabuuti iyo diblomaasiyiin heer sare ah, Madaxweyne Geelle ayaa bogaadiyay guulaha Abiy Axmed uu sameeyay ee xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Madaxwaynaha ayaa xusay in Geeska Afrika, uu kusoo jiray mudo dheer dagaallo qowmiyadaha iyo mid dalalka u dhaxeeya, balse hadda laga gudbayo, iyadoo dalalka gobolka ay iskaashi sameynayaan.

Geelle ayaa sidoo kale xusay in dowladiisa ay soo dhaweynayso dedaallada aadka uu weyn ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ee uu ku jebiyay qufulkii ku xirnaa nabadda Itoobiya iyo Eritrea.

Waxa kale oo uu ka mahadceliyay dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee Dr Abiy ee heerka gobolka, oo ay ka mid tahay dadaalka uu sameeyay iyo geeddi-socodka dhex-dhexaadinta Jabuuti iyo Eritrea.

Hadalka Geelle ayaa kusoo beegmaya xilli dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay sameysteen Isbaheysi saddex geesood ah, islamarkaana ku heshiisheen iskaashi dhaqaale iyo mid amni.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bishii September ee sanadkan 2018 kula kulmay magaalada Jeddah dhigiisa Eritrea, Isaias Afwerki kadib markii uu casuumey boqor Salman munaasabad lagu soo afjaray heshiiska nabadda Itoobiya iyo Eritrea.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM