Ghana oo xanibaysa shaqada balaayiin SIM-Card telefoonka ah

Image
Xukuumadda Accra ayaa kordhineysa waqtiga is-diiwaan-gelinta qaadashada kaararka cusub.

ACRA, Ghana - Mas'uuliyiinta Ghana ayaa xannibi doona ilaa 10 milyan oo Sim kaar ah telefoonada gacanta dhammaadka bishan iyadoo fursadda diiwaangelintu ay qarka u saaran tahay dhamaad.

Hay'adda isgaadhsiinta iyo maareynta warshadaha waxa ay 31-ka Oktoobar xidhi doonaan xogta iyo adeegyada codka ee kaadhadhka aan la xaqiijin kadib sanad ololaha diiwaangelinta dalka oo dhan.

Bishii Luulyo, maamulka isgaarsiintu waxay ku kordhiyeen wakhtiga xaqiijinta laba bilood si loogu oggolaado dadka Ghana iyo kuwa aan muwaadiniinta ahayn ee deggan Ghana inay xaqiijiyaan aqoonsiga simkaarkooda ayna dhammaystiraan nidaamka diiwaangelinta.

Tan iyo 4-tii Oktoobar, ilaa 19 milyan oo Sim Cards ayaa si buuxda loo diiwaan geliyay, taasoo ka dhigan in 45% dhammaan kaararkii la bixiyay, sidda laga soo xigtey warbixin kasoo baxdey dowladda.

"Milkiilayaasha kaarka SIM-ka waa in ay mideeyaan aqoonsigooda qaranka iyo Sim-kooda ka dibna ay sii wadaan diiwaan-gelinta iyaga oo maraya nidaamka casriga ah," ayay raacisay warbixinta.

Dowladda Ghana ayaa tibaaxdey in talaabadan ay salka ku hayso in laga hortago dadka kaararka u adeegsanaya khiyaano ahaan iyo in la sugo ammaanka warbaahinta casriga ah ee dhijitaalka ah.

Telefoonadda gacanta ayaa la rumeysan yahay in ay ka qeyb-qaataan dambiyadda nooc kasta ah taasoo laga maarmaan uga dhigtey dowladaha qaarkood in ay dhaqan-geliyaan siyaasado xakameyn ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM