Gobolka Soomaalida oo lagu qabtay hub fara badan iyo lacag

Image
Image
Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Ciidamada ammaanka gobolka Soomaalida ee hoostaga Itoobiya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen hub fara badan iyo lacago kaash oo sharci darro ah.

Korneyl Sakariye Cabdi Khaliif, ku xigeenka taliyaha bileyska is-maamulka ayaa u sheegay warbaahinta in hubkaasi ay ka qabteen gudaha degaanka, saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Hubkan oo ka kooban 3,040 oo xabo ayaa waxaa kamid ah; 20 oo qoryaha daran-dooriga u dhaca ah sida AK 47, hoobiyeyaal iyo rasaastooda.

Lacagta sharci daradda lagu sheegay ayaa waxaa tiradeeda iyanna la tilmaamay in ay gaareyso aduun dhan 10-kun oo dollar-ka Mareykanka ah.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo dhanka hay’addaha nabad-gelyadda ah, hubka oo "intooda badan" laga soo uruuriyay shaqsiyaad si gaar ah u haystay waxaa go'aamiyey maamulka.

Talaabadan ayaa waxaa lagu qeexay mid qeyb ka ah olalaha lagu adkeynayo laguna xasilinayo amniga degaanka, taasi oo mudooyinkii dambe ay sare u qadeen ciidamada.

Xoogaga dowladda ayaa heegan sarre la geliyay tan iyo afgembigii fashilmay ee ka dhacay gobolka Amxaarada, halkaasi oo lagu dilay tobanaan ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed iyo rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM