Guterres oo xil sare u magacaabay wasiirka arrimaha dibada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Antonio Guterres, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa xil sare u magacaabay wasiirka arrimaha dibada Itoobiya, Workeneh Gebeyehu Negewo.

Workeneh ayaa laga dhigay Agaasimaha Guud ee xafiiska UN-ka ee magaaladda Nairobi, xarunta dalka Kenya kaasoo loosoo gaabiyo UNON [United Nations Office at Nairobi].

Wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa, Abiy Axmed ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan magacaabistaan u diray Workeneh.

Abiy ayaa aad ku amaanay Workeneh wax-qabadka intii uu kamid yahay xukuumadiisa iyo kuwii isaga ka horeeyay.

"Rikoor ah in uu xukuumada dhexdeeda kasoo shaqeeyay meelo kala duwan muddo 20-sano ah [ayuu haystaa]," ayuu Abiy Ahmed yiri.

Workeneh Gebeyehu ayaa xilka wasiirka arrimaha dibada Itoobiya haya tan iyo sanadkii 2006-dii, markaasi oo loo xushay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo xafiiska la wareegay bishii April ee sanadkii hore kadib kacdoon bulsho ayaa bilaabay isbedal uu gobolka ka sameynayo.

"Workeneh Gebeyehu waxa uu kaalin fududeyn ah uu ka ciyaaray isbedalka wasaarada iyo isdhexgalka gobolka," ayuu Dr Abiy Axmed daba dhigay.

Waa kuma Workneh Gebeyehu?

Waa siyaasi Itoobiyaan ah, kaasoo 50-sano jir ah, kuna dhashay magaaladda Shashamane oo ka tirsan gobolka Oromada.

Heerkiisa wax barasho, waxa uu culuumta xiriirka caalamka uu ka bartay jamaacadda Addis Ababa.

Workneh Gebeyehu ayaa 2012-kii noqday wasiirka gaadiidka kahor inta uusan kamid noqon Gollaha degaanka ee caasimada Itoobiya.

Sikastaba, Workneh Gebeyehu ayaa bedalaya Hanna S. Tetteh kaasoo u dhashay Chana, isla markaana laga dhigay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Midowga Afrika iyo madaxa xafiiska UN-ka ee AU-da.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM