Guterres oo xil sare u magacaabay wasiirka arrimaha dibada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Antonio Guterres, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa xil sare u magacaabay wasiirka arrimaha dibada Itoobiya, Workeneh Gebeyehu Negewo.

Workeneh ayaa laga dhigay Agaasimaha Guud ee xafiiska UN-ka ee magaaladda Nairobi, xarunta dalka Kenya kaasoo loosoo gaabiyo UNON [United Nations Office at Nairobi].

Wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa, Abiy Axmed ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan magacaabistaan u diray Workeneh.

Abiy ayaa aad ku amaanay Workeneh wax-qabadka intii uu kamid yahay xukuumadiisa iyo kuwii isaga ka horeeyay.

"Rikoor ah in uu xukuumada dhexdeeda kasoo shaqeeyay meelo kala duwan muddo 20-sano ah [ayuu haystaa]," ayuu Abiy Ahmed yiri.

Workeneh Gebeyehu ayaa xilka wasiirka arrimaha dibada Itoobiya haya tan iyo sanadkii 2006-dii, markaasi oo loo xushay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo xafiiska la wareegay bishii April ee sanadkii hore kadib kacdoon bulsho ayaa bilaabay isbedal uu gobolka ka sameynayo.

"Workeneh Gebeyehu waxa uu kaalin fududeyn ah uu ka ciyaaray isbedalka wasaarada iyo isdhexgalka gobolka," ayuu Dr Abiy Axmed daba dhigay.

Waa kuma Workneh Gebeyehu?

Waa siyaasi Itoobiyaan ah, kaasoo 50-sano jir ah, kuna dhashay magaaladda Shashamane oo ka tirsan gobolka Oromada.

Heerkiisa wax barasho, waxa uu culuumta xiriirka caalamka uu ka bartay jamaacadda Addis Ababa.

Workneh Gebeyehu ayaa 2012-kii noqday wasiirka gaadiidka kahor inta uusan kamid noqon Gollaha degaanka ee caasimada Itoobiya.

Sikastaba, Workneh Gebeyehu ayaa bedalaya Hanna S. Tetteh kaasoo u dhashay Chana, isla markaana laga dhigay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Midowga Afrika iyo madaxa xafiiska UN-ka ee AU-da.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM