Guusha Xasan Sheekh oo dilaysa damacii Afwerki ee Geeska Afrika

Image
Natiijadda doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya ayaa riixi karta dabayl cusub oo isbadal kana dhaca Bariga Afrika.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Kusoo laabashada Xasan Sheekh Maxamuud xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa durba xamaasad ka dhalisay dalal badan oo ku yaalla Geeska Afrika ayna noqon karto bilowga is-beddelo cusub oo ka dhici kara gobolkan la daalaa-dhacayay xasillooni darro.

Getachew Reda, oo ah afhayeenka kooxda TPLF iyo garabkeeda militariga ee Tigray Defence Forces [TDF], ayaa saadaaliyay in hamiga madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu ku doonayo inuu ku xukumo Geeska Afrika uu burburay ka dib guushii Xasan Sheekh ee Soomaaliya.

"Haddii waxa ka dhacay doorashada Soomaaliya ay tahay tusaale, hamiga fircooniga ah ee Isaias Afwerki ku doonayay in uu ku xukumo Geeska Afrika waa baaba'ay," ayuu yiri. "Aan aragno waxa berri u diyaar ah,” ayuu ku daray wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda federaalka Itoobiya.

Muddo bilo ah, gobolka Tigray waxaa go'doomisay Addis Ababa, oo taageero weyn ka heli jiray Asmara iyo Muqdisho. Afwerki ayaa ciidamo ka tirsan Eritrea u diray gobolka Tigray halkaas oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen xasuuq, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamadu ay weli halkaas ku sugan yihiin.

Sidoo kale waxaa ku jira ciidamo Soomaali ah oo uu Farmaajo tababar ugu soo diray dalka Eritrea. Warbixin ay soo aruurisay Qaramada Midoobay ayaa la xiriirisay ciidamada Soomaalida xasuuqii ka dhacay Waqooyiga Tigray, halkaasoo la rumeysan yahay in kumannaan rayid ah oo aan waxba galabsan lagu gowracay magaalada Axum.

In kasta oo Soomaaliya ay beenisay sheegashadaas, si kastaba ha ahaatee, waxay qiratay in in ka badan 5000 oo askari ay weli tababar ku qaadanayaan Eritrea, tallaabadaas oo qarsoodi ah oo ay si weyn u dhaleeceeyeen mucaaradka, oo uu markaas hoggaaminayay Sheekh Maxamuud, oo Axaddii la doortay.

Madaxweynaha Eritrea ayaa heshiis saddex geesood ah la sameeyay Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, taasoo sii murjineysa hoggaamiyeyaasha sare ee mucaaradka Geeska Afrika. Joogitaanka ciidamada Eritrea ee Tigray ayaa xitaa dhaleeceeyay adduunka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM