Haweenay gabay ku dhaliishay madaxweyne oo la xukumay

Image

KAMPALA, Uganda – Haweenay aad mucaarad ugu ah madaxweynaha dalka bariga Afrika dhaca ee Uganda ayaa xabsi ku qaadan doonta Sagaalka bilood ee soo aadan.

Stella Nyanzi ayaa waxay xukunkan ku muteysatay eedeymo ku aadan "xadgudub dhanka online-ka ah oo ay u geysatay madaxweyne Yoweri Museveni".

Xeer-beegtada ayaa waxay sheegtay in xukunka xabsiga lagu riday uu yahay guud ahaan 18-bilood, taasi oo la macno ah in waqtigeedii kale ay horey u soo qaadatay.

Nyanzi oo cilmi-baare sarre ka ah Jamaacadda Makerere ayaa waxay xabsi ku jirtay tan iyo bishii November ee sanadkii hore 2018.

Waqtigaasi ayaa xabsiga loo dhaadhiciyey ka gedaal markii baraha bulshadda ay dhaliio culus ugu jeedisay Museveni, iyadda oo adeegsaneysa gabay.

Mid kamid ah qoraaladda ay soo dhigtay barteeda xiriirka dadweynaha ayay ku xustay in ay filaysay in Museveni uu geeriyoodo maalintii uu dunida kusoo biiray.

Taageereyaasha haweenaydan oo goobjoog ka ahaa maxkamadeynta oo Jimcadii dhacday ayaa waxay afgalaadeeyeen qaadiga maxkamada.

Balse garsooraha ayaa wuxuu nan dheg-jalaq-usiinin arrintaasi, isaga oo sii watay waajibaadkiisa, isla markaana ku dhawaaqay xukunkan aadka u adag.

Ururada u dooda xuquuqda bini'aadamka iyo xorriyadda hadalka ayaa waxay aad u cambaareeyeen xukunka oo ay ku tilmaameen "sharci darro".

Qareenada haweenayda oo ku sifeeyay xeer-beegtada "wakiilada madaxweynaha" ayaa nan jawaabin hadii ay racfaan qaadan doonan xukunka ku dhacay kalyeenigooda.

Nyanzi ayaa waxaa la xiray laba bilood kadib markii gabay ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay September 16, 2018, maalmo kahor dhalashadii 74aad ee Museveni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM