Haweenay gabay ku dhaliishay madaxweyne oo la xukumay

Image

KAMPALA, Uganda – Haweenay aad mucaarad ugu ah madaxweynaha dalka bariga Afrika dhaca ee Uganda ayaa xabsi ku qaadan doonta Sagaalka bilood ee soo aadan.

Stella Nyanzi ayaa waxay xukunkan ku muteysatay eedeymo ku aadan "xadgudub dhanka online-ka ah oo ay u geysatay madaxweyne Yoweri Museveni".

Xeer-beegtada ayaa waxay sheegtay in xukunka xabsiga lagu riday uu yahay guud ahaan 18-bilood, taasi oo la macno ah in waqtigeedii kale ay horey u soo qaadatay.

Nyanzi oo cilmi-baare sarre ka ah Jamaacadda Makerere ayaa waxay xabsi ku jirtay tan iyo bishii November ee sanadkii hore 2018.

Waqtigaasi ayaa xabsiga loo dhaadhiciyey ka gedaal markii baraha bulshadda ay dhaliio culus ugu jeedisay Museveni, iyadda oo adeegsaneysa gabay.

Mid kamid ah qoraaladda ay soo dhigtay barteeda xiriirka dadweynaha ayay ku xustay in ay filaysay in Museveni uu geeriyoodo maalintii uu dunida kusoo biiray.

Taageereyaasha haweenaydan oo goobjoog ka ahaa maxkamadeynta oo Jimcadii dhacday ayaa waxay afgalaadeeyeen qaadiga maxkamada.

Balse garsooraha ayaa wuxuu nan dheg-jalaq-usiinin arrintaasi, isaga oo sii watay waajibaadkiisa, isla markaana ku dhawaaqay xukunkan aadka u adag.

Ururada u dooda xuquuqda bini'aadamka iyo xorriyadda hadalka ayaa waxay aad u cambaareeyeen xukunka oo ay ku tilmaameen "sharci darro".

Qareenada haweenayda oo ku sifeeyay xeer-beegtada "wakiilada madaxweynaha" ayaa nan jawaabin hadii ay racfaan qaadan doonan xukunka ku dhacay kalyeenigooda.

Nyanzi ayaa waxaa la xiray laba bilood kadib markii gabay ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay September 16, 2018, maalmo kahor dhalashadii 74aad ee Museveni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM