Nin xaaskiisa si xun mindi ugu dhaawacay

Image

NAIROBI, Kenya – Haweenay 30-sano jir ah ayaa u dagaalameysa badbaada nolosheeda kadib markii uu 17 jeer tooriyeeyay seygeeda.

Peninah Wangechi, oo ah hooyo saddex caruur ah dhashay, ayaa la mindiyeeyay habeenkii Khamiistii markii ay murmeen ninkeeda.

Falkan ayaa ka dhacay gobolka Karatina oo kamida wadanka Kenya.

Dhibanaha oo dhaawacyo kasoo gaareen dhabarka dambe, feeraha iyo wajiga ayaa haatan ku jirta isbitaal halkaasi oo lagu daaweynayo.

Iyadda oo gudaha isbitaal kula hadlaysa warbaahinta, Peninah ayaa sheegtay in guurkeeda uu hareeyay colaad ka jirta degaanka Ndirangu.

"Tacadiyo jireed ayaa sidoo kale iigu geystay [Ndirangu]," ayay hadalkeeda raacisay, sida ay kasoo xigatay warbaahinta.

Benson Ngari, dhakhtarka maamulaya kiiskaan, oo xusay in xaaladeeda ay hagagasan tahay ayaa sheegay in minida aysan jirkeeda si qoto dheer u gelin.

Ninka la tuhunsan yahay in uu falku sameeyay Samuel Ndirangu ayaa isku dhiibay Booliska oo si lamid ah sheegay in ay baaritaano ku sameyn doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM