Haweenay xaamilo ah oo maxkamad loosoo taagay "Al-Shabaabnimo"

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigay dhowr qof oo isugu jira haween iyo rag loogana shakisan yahay in ay xubin ka yihiin Al-Shabaab, sidda ay qoreen warbaahinta maxaliga ah.

Dadkaas ayaa waxaa kamid ah haweenay la sheegay in ay xaamilo tahay, taasi oo xaaladeeda caafimaad aad uga dayrisay.

Said Hussein Chirumu oo maxkamad lasoo taagay ayaa waxay u sheegtay garsooreyaasha in loo geystay jirdil aad u xoogan.

Laamaha ammaanka ayaa rumeysan in haweenaydan ay xubin ka tahay Al-Shabaab ayna mar tagtay dalalka Soomaaliya iyo Suuriya.

Sidda uu daabacay wargeyska Daily Nation, haweenaydan ayaa fadhiga xeer-beegtada waxay ka xustay in garaacista loo geystay "uu dareen tiray".

"Waxaa la ii geystay jir-dilay, waxaana la ii adeegsaday awood dheeraad ah. Hadda ma dareemi karo dhaqdhaqaaqa cunugeyga aan wali dhalan," ayay tiri.

Bishaan October 1-deeda ayaa laga soo xiray degaanka Likoni, halkaasi oo lagu khaarijiyey saddex rag oo Al-Shabaab looga shakisan yahay.

Raggaas ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay maleegayeen weeraro balaaran oo ay ka fuliyaan magaala xeebeedka Mombasa.

"Hadii aan xabsiga kusii jiro waxaan ka walaacsanahay xaaladeyda caafimaad, waxaan u baahanahay daryeel caafimaad oo degdeg ah," ayay raacisay.

Waraaqadaha dacwadda ayaa muujinaya in shaqsiyaadka ay Said kamid tahay loo haysto eedeymo la xiriira in ay ku lug-yeesheen falal argagixiso.

Dhamaantooda oo fursad loo siiyey in ay hadlaan ayaa waxay beeniyeen dacwadda lagu soo oogay, iyaga oo codsaday in xorriyadooda loo celiyo.

Illo wareedyo ayaa qeexaya in hoyga laga soo xiray gebigooda laga soo helay 24-telefoon iyo simi kaaro, taasi oo tuhunka kordhisay.

Kenya oo mar sii horeysay u soo saartay digniino la xiriira weeraro ay Al-Shabaab dalkaas ka fuliso ayaa mudooyinkii dambe laba jibaartay dabagalka iyo howlgaladda ka dhanka ah kooxdaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM