"Haweenaydii iga raacda nin kale cad-cad ayaan u jarayaa jirkeeda"

Image

NAIROBI, Kenya – Garsoorka iyo Baarayaasha dambiyadda ee waddanka Kenya ayaa waxay gacanta ku hayaan kiiska mid kamid ah ragga ugu badan ee haweenka ku dilay dalkaas, taariikhda casriga ah.

Mustafa Idd, oo todobaadkii hore xabsi la dhigay, ayaa baaqi kusii ahaan doona jeelka si loo hubiyo hadii caafimaadkiisa uu yahay mid taam ah.

Idd oo wajahaya dacwado dhowr ah ayaa wareysiyo kala duwan oo reerkiisa iyo saaxiibadii lala yeeshay waxaa kasoo baxday natiijo layaab leh.

Sidda uu baahiyey Daily Nation, shaqsigan ayaa u sheegay dadkaku dhow in uu dilayo kadibna uu cad-cad u jarayo jirkeeda haweenaydii nin kale ka raacda.

Wararka ayaa sheegaya in uu khaarijiyey haween dhowr ah, kuwaas oo ay saaxiibo ahaayeen balse markii uu ruux kale ku arkay uu nolosha dhaafiyey.

Hablaha uu galaaftay ayaa waxaa ku jirta Emma Wanyotta, 21-jir, uu haasaawe ka dhaxeeyay. Booliska ayaa laga soo xigtay in uu qartay dilka Emma.

Kaliya ma uusan dilin, jirkeeda ayuu cad-cad u jaray. Qayb ahaan sida lugaheda iyo gacanteeda ayaa laga helay beer, haraadiga ayaase wali la hayn.

Sidda laga soo xigtay gal-dacwadeedka Maxkamadda, sidoo kale xukun-sugaha ayaa sidoo kale loo haystaa in uu laba sano kahor dilay gabar kale oo ay saaxiibo ahaayeen, Nancy Naromboi Edome.

Kadib markii uu dafiray, bishii Maaj ee sanadkan 2019 ayaa mar lagu sii damaanad lacageed. Balse dib ayaa loosoo xiray markii uu fal kale ku lug-yeeshay.

Eedeysanaha oo ku nool tuuladda  Eldoret, si dhab ah looma ogga waxa ku kalifay arrintan hase ahaatee, warbaahinta ayaa waxay lala xiriirinaysaa hinaaso/maseyr.

Qoysaska dhibaneyaasha ayaa dalbanaya in cadaalad ay u helaan Inamadooda. Dadka degaanka ayaa ka digay in mar kale dibadda loosoo saaro.

Sikastaba ha ahaatee, marka lasoo gabagabeeyo baaritaanka xeer-ilaalinta ayaa la filayaa in dib laga muddeeyo goorta ay qabsoomeyso dhageysiga kiiskiisa oo dadka degaanka ay aad ugu dhag-raacinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM