Heshiis taariikhi ah oo lagu gaarey shirka isbadalka cimilada Masar

Image
Wadahadalada oo si weyn isha loogu hayey ayaa xalay ka dhacay magaalada Sharm el-Sheikh.

QAAHIRA, Masar - Wadamada ku shirsan Masar ayaa wada gaaray heshiis taariikhi ah oo lagu dhisayo sanduuq lagu caawinayo wadamada ay sida ba’an u saameysay isbedelka cimilada.

Wadahadalada oo si weyn isha loogu hayey ayaa xalay ka dhacay magaalada Sharm el-Sheikh - in ka badan hal maalin kaddib markii la qorsheeyay in lasoo gabagabeeyo.

Heshiisku wuxuu ku salaysan yahay arrinta muhiimka ah ee "khasaaraha iyo waxyeelada", iyada oo la tixraacayo maalgelinta waddamada ay saameysay isbeddelka cimilada.

Horaantii, madaxa Masar ee shirka COP27 ayaa wuxuu qiray inay ku qanacsanayn wada xaajoodayaasha laakiin wuxuu ku booriyay inay "u kacaan munaasabadda".

Waxaa jira walaac laga qabo in bartilmaameedka lagu xaddidayo kulaylka heerka ugu muhiimsan ee 1.5C ee ka sarreeya waqtiyada warshadaha ka hor la ilaalin doono.

Qaramada Midoobay ayaa waxay hoosta ka xariiqdey in heerkulka sare u kaca heerkan uu malaayiin qof oo kale u soo bandhigi doono saameynta cimilada xun ee aadka looga cabsi qabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM