Hogaamiye mucaarad oo ku laabtay Suudan inkastoo dil lagu xukumay

Image

KHARTUUM, Sudan – Hogaamiyaha mucaaradka Suudaan oo dib ugu laabtay dalkiisa kaasoo isaga oo maqan 2014-kii dil toogasho lagu xukumay ayaa sheegay in uu baaqi kusii ahaanayo inta milatari ka codsanayo in uu baxo.

Yasir Arman ayaa u sheegay VOA-da in waddankiisa dib ugu soo laabtay si uu door ugu yeesho xalka is-mariwaa taagan ee ku aadan cida hogaamineysa dowlada ku meel gaarka ah ee dalkaasi, saddex sano ee nagu soo fool leh.

Arman, gudoomiye ku xigeenka dhaqdhaqaaqa falaagada xorreynta dadka Sudan ee SPLM-N ayaa Suudan dib ugu laabtay Sabtidii kadib muddo 20-sano ah oo uu ku noolaa Kenya iyo xadka Suudaan kala dhaxeeya Suudaanta kale.

Horjoogahan ayaa tibaaxay in ciidamada milatarigu ay Talaadadii u soo direen fariin ah in uu isaga baxo wadanka, balse waxa uu ku adkeystay in uusan meelna uga socon, maadaama Suudan uu dalkiisu yahay.

"Golaha ku meel gaarka ah ee milatariga codka aan kula hadlayno waa nabad, maxaa yeelay waxaan u baahan nahay horumar ay Suudaan gaarto iyo siyaasad isu tanaasulaad ah," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Geesta kale, falaagada uu ka tirsan yahay ayaa shaacisay in Arman uu hanjabaad kala kulmayo milatariga oo xukunka afgambi kula wareegay bishii April kadib markii ay xilka ka qaadeen Cumar Xasan Al Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM