Shuruudo lagu xiray ka qeybgalka dhageysiga dacwadda badda

Image

HAGUE, Holland – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa dhageysiga kiiskan waxay u muddeysay horaanta bisha September ee sanadkan 2019-ka.

Xeer-beegtadda fadhigeedu yahay magaaladda Hauge, dalka Holland, ayaase shuruudo waxay ku xirtay ka qeybgalka dhageysiga gal-dacwadeedkaasi.

Shuruudahaasi ayaa waxay yihiin kuwa horyaala wariyeyaasha, diblumaasiyiinta iyo dadweynaha ka daneynaya in ay goobjoog ka aahaadaan.

Suxufiyiinta horey u qaatay kaararka aqoonsiga dhageysigii loo qorsheeyay 9-kii September ayaa waxaa loo sheegay in ay baahan yihiin dib u soo codsasho.

"Sababtu waxay tahay kuraasta oo xadidan awadeed," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maxkamadan oo hoostagta Qaramadda Midoobay.

Dhinacyaddan ayaa waxaa lagu war-geliyey in ay fursad u haystaan in ay dib usoo codsadaan illaa iyo 24-ka bisha October ee sanadkan 2019.

Fadhiga oo si rasmi ah u bilaaban doona 4-ta November ayaa soo idlaadanaya 8-da. Tani waxay ka dhigan tahay in labadda dowladood ay heli doonan maalmo siman oo ay doodooda ku difaacdan.

Qorsuhu wuxuu ahaa in la dhageysto 3-da September, balse waxaa la bedelay ka gedaal markii xukuumada Nairobi codsatay waqti dheeraad ah oo ay kusoo qorato qareeno cusub.

ICJ oo ka kooban 15-garsoore oo uu madax u yahay garyaqaan Soomaali ah ayaa dhageysiga kadib soo saareysa xukunka ugu dambeeya galkan.

Gal-dacwadeedkan oo qodxo u yeelay xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa taagan tan iyo bishii August ee sanadkii 2014-tii.

Wadamada dagaalka kula jira Al-Shabaab ayaa isku haysta goob badkeedu yahay 100 KM oo isku wareeg ah kuna taala xuduuda badda, halkaasi oo hodan ku tahay Shidaal iyo Gaas.

GAROWE ONLNE

Related Articles