Koonfur Afrika: Ilmo aan weli dhalan oo laga dhex-helay diyaarad

Image

CAPE TOWN, South Africa – Booliska ayaa maanta oo Jimco ah u xaqiijiyey saxaafadda in ilmo aan weli dhalan laga dhex-helay qeybta wasaqda ee diyaarad.

Diyuurada ayaa xiligaasi kasoo degtay garoonka caalamiga ah ee magaaladda xeebta leh ee Durban ee ku taala bariga dalkaasi dhaca koonfurta qaarada Afrika.

Mareega ILO ayaa wuxuu ku waramaya in bileyska maxaliga ah ay baaritaan ku sameynayaa dhacdadan aadka loo hadal-hayo.

Korneyl Thembeka Mbele, afhayeenka ciidamada ammaanka ayaa waxaa laga soo xigtay in "kiiskan ay u arkaan in uu yahay cunug leyska soo xaaqey oo la qariyey".

Diyaaradda ay arrintan saameysay ee Fly Safair ayaa waxay website-keeda ku daabacdey in arrintaan ay u baahan tahay baaritaano dheeraad oo rasmi ah.

Sheekadan oo warbaahinta ay si gaar ah uga faalooneyso ayaa nan noqoneyn tii ugu horeysay, waxaana sidaan oo kale diyaarado looga helay ilmo aan wali dhalan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM