Inqilaabkii labaad oo sanad gudahiisa ka dhacay Burkina Faso

Image
Ciidamadda ayaa ku dhawaaqay in ay xukunka ka tuureen dowladdii milariga ahayd.

OUAGADOUGOU, Burkina Baso - Kabtanka ka tirsan ciidamada milatariga Burkina Faso Ibrahim Traore ayaa xilka ka qaaday hogaamiyihii militariga Paul-Henri Damiba, waxa uu kala diray dowladda, waxa uuna laalay dastuurkii iyo axdigii KMG ahaa, sida uu ku sheegay bayaan laga akhriyay telefishinka qaranka.

Traore waxa uu sheegay fiidnimadii Jimcaha in koox saraakiil ahi ay go’aansadeen in ay xilka ka xayuubiyaan Damiba sababtuna ay tahay in uu awoodi waayay in uu wax ka qabto kacdoonka hubaysan ee dalka ka sii xumaanaya.

Waa markii labaad oo muddo siddeed bilood ah uu afgembi ka dhaco dalkan ku yaala Galbeedka Afrika. Damiba ayaa xukunka kula wareegtay bishii Janaayo afgambi xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Roch Kabore, iyadoo sidoo kale ay qeyb ka ahayd niyad-jabka amni-darrada sii xumaanaysa.

Burkina Faso waxa ay la halgamaysay sidii ay u xakamayn lahayd kooxaha fallaagada ah, oo ay ku jiraan qaar xidhiidh la leh al-Qaacida iyo ISIL (ISIS).

Ururka ECOWAS ayaa si kulul u cambaareeyay afgambiga dhacay Jimcihii shalay, iyagoo sheegay in uu ku soo beegmay xilli aan munaasib ahayn oo horumar laga gaarayo dib u soo celinta nidaamka dastuuriga ah.

“ECOWAS waxa ay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga soo horjeedaan in la qabsado ama lagu sii wado awood kasta oo aan dastuuri ahayn,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saareen ururkan oo lagu faafiyay baraha bulshada.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay waxayna codsatay in la dejiyo. "Burkina Faso waxay u baahan tahay nabad, waxay u baahan tahay xasillooni, waxayna u baahan tahay midnimo si loola dagaallamo kooxaha argagixisada ah iyo shabakadaha dambiilayaasha ah ee ka hawlgala qaybo ka mid ah dalka," ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Weerarada ayaa kordhay tan iyo bartamihii bishii March, inkastoo dowladda militariga ay ballan qaaday inay amniga ka dhigi doonto mudnaanta koowaad. Hase ahaatee, ma jirin wax talaabo ah oo loo qaadey wax ka qabashadda qulqulatooyinka amni darro taasoo shacabka ku abuurtey cabsi iyo walal aan dhamaad lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Sudan oo RSF kala wareegay Madaxtooyadda

Qalabka ugu weyn ee kaliya ee hadda gacanta RSF ku jira waa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda.

  • Afrika

    21-03-2025

  • 10:53AM

Abiy Axmed oo ka hadlay arrinta xiisadda dagaal ee Itoobiya iyo Eritrea iyo gelitaanka Badda Cas

Himilooyinka Abiy Ahmed ee ah in Itoobiya ay ka hesho marin Badda Cas ayaa dhaliyay caro ka timaada Eritrea.

  • Afrika

    20-03-2025

  • 07:30PM