Isbadalka ka dhacay Soomaaliya oo rajo geliyey Geeska Afrika
ADDIS ABABA, Ethiopia - Iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya waa in todobaadyada soo socda sare loo qaadaa iyadda oo uu horkacayo Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, sida uu sheegay aqoonyahan sare, oo intaas ku daray in ay muhiim tahay in labada dowladood ay si dhow u wada shaqeeyaan.
Professor Sonkor Geyre, oo ah khabiir ka tirsan machadka arrimaha federaalka iyo amniga ee Soomaaliya [IFSA], ayaa sheegay in iskaashiga dhow ee labada dal uu sare u qaadi doono horumarka ka sokow kor u qaadista hindisayaasha nabadaynta gobolka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka kala wareegaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo heshiisyo dhowr ah oo laba geesood ah la saxiixday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Si kastaba ha ahaatee, tiro Soomaali ah ayaa kalsoonida kala noqday labada hoggaamiye.
Madaxweynaha ayaa markii la doortay kadib waxa uu wacad ku maray in uu ka shaqeyn doono siyaasad xasiloon oo Soomaaliya u horseedda heshiis, caalamkuna uu heshiis ku gaaro. Sheekh Maxamuud ayaa soo noqday madaxweynihii 8-aad ee [2012-17] ka hor inta uusan soo kicin toddobaadkan.
Professor Sonkor Geyre oo waraysi siiyey wakaaladda wararka Itoobiya ee [ENA] ayaa ra’yigiisa ku sheegay in amniga iyo ganacsiga u dhexeeya labada dal ay noqdaan mabaadi’da hagaya iskaashiga u dhexeeya labada dal oo leh taariikh qani ah.
Durba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud guusha uu gaaray, wuxuuna ballan qaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono maamulka cusub. Sidoo kale, Sheekh Maxamuud wuxuu qiray laanta Saytuun ee ka timid hoggaamiyaha Itoobiya.
Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya "waa soo jireen"
Arrinta xiisaha lihi waxay tahay in Jabhadda Tigreega [TPLF] oo ay colaadi ka dhaxayso Abiy Axmed ay iyana soo dhawaysay guusha Sheekh Maxamuud. Kooxdan ayaa aaminsan inuu Geeska Afrika rajo gelin doono marka loo eego khibradiisa.
Kooxda ayaa hoosta ka xarriiqday in dalalka Geeska Afrika aysan haysan wax kale oo aan ahayn is-dhexgalka iyo iskaashiga maadaama uu gobolku qani ku yahay kheyraad aad u badan oo lagama maarmaan u ah horumarka si loo horumariyo nolosha dadka gobolka.
“Gobolku waxa uu u baahan yahay in uu hore u socdo, gobolku waxa uu leeyahay khayraad ku filan, suuq aad u weyn, iyo awood wax iibsiga, dad aad u qani ah, waxa aynu u baahanahay waa hogaan aragti dheer oo mideeya ajandaha guud ee horumarka," ayay ku dartey.
Itoobiya waxay saaxiib dhow la tahay jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyadoo ay ugu wacan tahay in ku dhow 4,000 oo askari oo nabad ilaalin ah ay ka joogaan dalka.
Ciidamada nabad ilaalinta ayaa gacan weyn ka geysta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo ka taliya dhul badan oo miyi ah oo dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Balse xilligii uu talada dalka hayay Maxamed C/llaahi Maxamed oo ku magac dheeraa Farmaajo, waxaa jirtay in qaar badan oo ka mid ah madaxda mucaaradka Soomaaliya oo hadda lagu wado inay dowlad dhistaan, ay Addis Ababa ku eedeeyaan inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee dalka gaar ahaan arrimaha siyaasada iyo amniga.
GAROWE ONLINE