Isbitaallada Kenya oo looga digay daaweynta dhaawacyada Al shabaab

Image

NAIROBI - Dowladda Kenya ayaa goobaha caafimaadka ee ku yaala magaalooyinka iyo tuulooyinka wadankaas uga digtey inay daaweeyaan dagaalamayaasha ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya fadhigeedu yahay.

Agaasimaha Howlgalka keymaha Booni Joseph Kanyiri ayaa u sheegay warbaahinta in xaruntii caafimaad oo ay ku helaan inay gargaar caafimaad u fidisay ay dowladda ka qaadi doonto talaabo adag, oo waafaqsan sharciga.

Warqadda ogolaanshaha [License] ayuu cod dheer ku qeexay in lagala noqon doonan Isbitaalkii u hogaansami waaya amarkan, isagoo hoosta ka xariiqay in digniintan loo diray xarun walba oo caafimaadka - kuwa gaarka ah iyo danta guud.

Dowladda Kenya ayaa wajaheysa walwal dhinaca amaanka ah, oo kaga imaanaya Al-Shabaab, kuwaasi oo weerar joogto ah ka fuliya degaano iyo degmooyin ka tirsan wadankaan, xili ay beegsadaan shacabka aan diinta Islam-ka haysan iyo Askarta.

Dalkan ku yaalla geeska Africa ayaa waxaa ka dhacay weeraro culus, oo ay kamid yihiin kuwii Westgate Mall [Sep. 2013] iyo Jaamacadda Garissa [April 2, 2015], oo lagu dilay boqolaal qof tan iyo markii ciidamada Kenya soo galeen Soomaaliya 2011.

Shalay, weerar ka dhacey tuuladda Tixsiile oo ku yaala bartama kaynta Booni waxayna lagu diley saddex kamid Askarta Kenya, xili dowladu sheegtey in iska hor-imaad ka dhashay weerarka ay ku dishey 11 kamid ah dagaalamayaasha Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM