Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo la dagaalamaya sicir-barar

Image
Madaxwayne Mustafa Cagjar ayaa sheegay in maamulkiisa uusan latacaalin karin xaaladan.

JIGJIGA, Somali State - Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa wuxuu la-daalaa-dhacayaa sicir barar kadib markii uu hoos u dhac ku yimid lacagta, taasoo keentay in boqolaal ganacsi ay musalafaan gudaha gobolkan ay hareeyeen colaaddo.

Mustafe Muxumad Cumar Cagjar, madaxweynaha gobolkaasi, ayaa sheegay in maamulkiisu aanu wax badan ka qaban karin xaaladda gaar ahaan kor u kaca qiimaha cuntada iyo dollarka.

Madaxweynaha gobolka oo u waramay warbaahinta ku hadasha afka degaanka ayaa ku eedeeyay dagaalka ka socda Ruushka iyo Ukraine inuu yahay mid salka ku haya qiima-beelka lacagta.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in sicir bararka cunnada ee hadda jira uu maamuli karo oo keliya bangiga dhexe ee Itoobiya oo heer federaal halkaasoo uu xukumo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee Abiy Axmed.

Mar haddii aynaan wax ka qaban karin sicir-bararka Caalamka iyo sicir-bararka Doollarka, waxa kaliya ee ay Xukuumaddu wax ka qaban kartaa waa in ay wax ka qabato Saamaynta Sicir-bararka oo ah cunto yari, dadka danyarta ah ayaa gaajo u dhimanaya dhaqaale-xumada haysata aawadeed.

Cagjar ayaa soo jeediyay in la xidho Bangiyadda ku yaala magaalada Wajaale ee ku teedsan xuduudka ay la wadaagto Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Tani waxay ka dhigan tahay in ganacsiga xudduudaha isaga gudba la xakameyn doono.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in barnaamijyo ay ka mid yihiin balaarinta barnaamijka quudinta dadka danyarta ah iyo in deeq bixiyayaasha caalamiga ah lagu qanciyo in tirada dadka u baahan cuntadu ay kor u kacday ee ku sugan gobolka Soomaalida ay gacan ka gaysan doonto sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka. Sidoo kale waxa uu xusay in lacago badan ay soo galeen gobolka si dadka loo siiyo maadaama qiimihii raashinka uu sare u kacay.

Geeska Afrika ayaa hadda la daalaa dhacaya sicir-bararka oo ay weheliyaan colaado dhawr ah kuwaas oo hawl-gallada qaarkood ka dhigay kuwo aan u suurto-gelin dalal kala duwan. Gobolka Tigray ee Itoobiya waa mid kamid ah goobaha ugu daran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM