Itoobiya: Dagaal mar kale ka dhex-qarxay Soomaalida iyo Oromada

Image
Sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi, ayaa shalay waxaa la gubay guryo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay barakac.

ADDIA ABABA, Ethiopia - Wararka ka imaanaya degmada Guri-dhaamoole ee gooblka Liiban ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal ka socdo.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa qawmiydaha Soomaalida iyo Oromada oo halkaa wada dega, iyadoo wali ay go’antahay isgaarsiintii degmadaasi.

Sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi, ayaa shalay waxaa la gubay guryo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay barakac.

Hase yeeshee faah-faahinta sida wax u dhaceen way adag tahay in la helo, maadaama isgaarsiintu ay go'an tahay.

Waxaa xusid mudan in dhanka kale ee Oromada aan isku daynay in aan la xiriirno, si arrintaan wax uga waydiinno ee dagaalka socda, hase yeeshee ma aanay noo suura galin inaan helno.

BBC

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyey: Dhisme dabaqyo badan ka kooban oo ku dumay Nairobi

Warbaahinta caalamiga ah iyo tan Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga warbixiyey tirada…

  • Afrika

    23-10-2026

  • 03:36PM

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM