Itoobiya iyo Suudaan oo wadahadalo naadir ah yeeshay
KHARTUUM, Suudaan – Hoggaamiyaha labaad ee ugu awoodda badan Suudaan ayaa la kulmay wasiirka gaashaandhigga Itoobiya oo booqasho naadir ah oo uu ku tagay magaalada Addis Ababa iyada oo ay xiisad ka taagan tahay xuduudda labada, sida ay sheegeen saraakiisha.
Mohamed Hamdan Daglo, oo loo yaqaano Hemeti, oo ah gudoomiye ku xigeenka golaha ku meel gaarka ah ee Sudan, ayaa ku sugnaan doona dalka Itoobiya laba maalmood si uu ula kulmo "dhowr sarkaal oo Ethiopian ah", sida ay sheegtay wakaalada wararka Sudan ee SUNA.
Waxaa madaarka Addis Ababa kula kulmay wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Abraham Belay, bayaan ka soo baxay golaha talada Sudan ayaa lagu yiri.
Waxaa sidoo kale soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya iyo sirdoonka, ayay raacisay.
Daglo ayaa madax u ah ciidamada Rapid Support Forces (RSF), oo ah unug aad looga baqo oo awood badan, waxaana lagu eedeyay in ay xasuuq ka geysteen gobolka galbeedka ee Darfur.
Xiriirka u dhexeeya Khartoum iyo Addis Ababa ayaa xumaaday, ka dib dagaal dhuleed oo ka dhashay xuduudka lagu muransan yahay ee Al-Fashaxa, halkaas oo beeralayda Itoobiya ay ku beeran yihiin dhul barwaaqo ah oo ay Sudan sheeganayso.
Waxaa jiray dagaalo goos goos ah oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo u dhaxeeyay labada dhinac sanadihii u dambeeyay.
Al-Fashaqa waxa kale oo ay xuduud la leedahay gobolka Tigray ee Itoobiya ay dhibaatadu ka jirto, tobanaan kun oo qaxooti Itoobiyaan ah ayaa u tallaabay Suudaan iyaga oo ka soo cararaya dagaallada.
Bishii Nofembar, ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa sheegay in lix askari lagu dilay weerar ay qaadeen kooxo hubeysan iyo maleeshiyaad xiriir la leh millatariga Itoobiya, warbixin ay beenisay Addis Ababa, oo ku eedaysay fallaagada Tigrayga.
Suudaan, oo ay weheliso Masar, ayaa sidoo kale waxaa ka dhexeeya muran xooggan oo ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee wabiga Niilka Buluuga ah.
Labada waddan oo dhaca dhulka, oo ku tiirsan wabiga inta badan biyahooda, waxay u arkaan biyo xidheenka Renaissance Dam ee Itoobiya khatar jirta. Khartoum iyo Addis Abababa waxaa ka dhex aloosan qalalaase.
Suudaan waxaa ruxay mudaaharaadyo waaweyn oo toddobaadyo socday tan iyo 25-kii Oktoobar oo ay ciidammada milaterigu la wareegeen, taasoo meesha ka saartay isbeddelkii jilicsanaa ee dalkaas oo u gudbayay xukun rayid ah, iyadoo tobanaan dibad-baxayaal ah oo ka soo horjeeday afgambiga lagu dilay hawlgal dhiig badan ku daatay.
Itoobiya ayaa wali doonaysa in ay soo afjarto iskahorimaadka qarxay Noofambar 2020 ka dib bilo uu socday khilaaf soo kala dhexgalay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo xisbigii hore ee talada haya ee gobolka Tigray ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF).
Dagaaladu waxa ay barakiciyeen malaayiin, sida lagu sheegay qiyaasaha Qaramada Midoobay, waxa ay qarka usaareen macaluul boqolaal kun ah.
GAROWE ONLINE