Itoobiya: Kumanaan arday oo diidey imtixaan guud ee shahaadiga

Image
Tani ayaa ka dhalatay ka gadaal markii xukuumadda Addis Ababa ay soo rogtey go'aano adag.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Kumanaan arday ah oo ku nool gobolka Axmaarada ee woqooyiga dalka Itoobiya ayaa isaga baxay imtaxaanka guud ee shahaadiga ah ee lagu ogaanayo gelitaanka jaamacadaha.

In ka badan 12,000 oo arday oo dugsiyada sare ah ayaa diiday inay u fariistaan ​​imtixaanada, sida lagu sheegay tirokoob rasmi ah oo ay soo xigatay warbaahinta caalamiga ah.

Hadal ka soo baxay wasaaradda waxbarashada ayaan lagu sheegin sababta ay u diideen balse waxa uu imaanayaa iyadoo mas’uuliyiintu ay soo saareen tallaabooyin cusub oo looga hortagayo waxa ay ugu yeereen "cudurka dilaaga ah ee qishka".

Diidmada imtixaanku waxay noqotay wax caadi ah sannadihii u dambeeyay. Dowladda waxay sanad walba qiil uga dhigataa adkeynta talaabooyinka in ay jiraan isku-dayo xatooyo waxbarasho.

Si loo xaddido qishka, dowladdu waxay sanadkan u rartay arday - oo dhan in ka badan 500,000 oo ah wareegii koowaad oo keliya - xarumaha jaamacadaha kala duwan ee dalka. Waxa ay ahayd in lagu xareeyo xarumaha waxbarashada muddada imtixaanka lagana mamnuuco inay galaan mobaylada iyo internet-ka.

Wareegii labaad ee imtixaanaadka, oo ay u fariisanayeen boqolaal kun oo arday ah, ayaa lagu waday inuu furmo maanta oo Khamiis ah. Balse, waxaa lasoo sheegayaa in uu baaqdey.

Iyadoo talaabooyinkan cusub ay socdaan, arday ayaa la dilay, qaar ka mid ah ciidamada amaankana waa la dhaawacay kadib markii rabshado ay dhaceen markii ardaydu ay isku dayeen inay socod ku maraan Axmaarada.

Arday kale ayaa horay u dhintay kadib markii buundo ay ku duntay xarun jaamacadeed oo ku taal koonfurta dalka Itoobiya. Dhamaan arrimahan wali kama aysan hadlin dowladda.

Imtixaanadan ayaan ka dhacayn gobolka ay colaaduhu ragaadiyeen ee Tigray, halkaasoo dowladda federaalka aysan wax waxbarasho ah bixin muddo labo sano ah. Colaada waxay sidoo kale saameysay shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM