Itoobiya oo beenisay eedeyn uga timid Qaramada Midoobay

Image
Dagaalada ciidamada dowlada iyo jabhado ay hogaaminayso kooxda TPLF ayaa dib u soo cusboonaatay bishii Ogosto.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa Talaadadii diiday warbixin ay soo saareen baarayaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo Addis Ababa ku eedeeyay in ay suurtagal tahay dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada ee ka socda gobolka Tigray ee ay dagaalladu aafeeyeen, oo ay ka mid tahay in ay gaajo u adeegsato hub ahaan.

Gudiga khubarada xuquuqul insaanka ee Itoobiya ayaa sheegay in ay heleen cadaymo muujinaya xadgudubyo baahsan oo ay geysteen dhamaan dhinacyadii dagaalamay tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay Tigray ku dhawaad ​​laba sano ka hor.

Waxaa ka mid ahaa xukuumadda ra'iisul wasaare Abiy Axmed, oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel-ka, iyo xulafadeeda oo "si ula kac ah u geystay dhibaato weyn" iyaga oo u diiday gargaarka Tigray, oo ah gobol 6 milyan ruux ku nool yihiin.

Ergeyga joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Q.Midoobe ee Geneva, Zenebe Kebede, ayaa sheegtay in komishanku uu yahay "mid siyaasad laga leeyahay" gunaanadkiina uu ahaa "mid is-burburinaya iyo eex".

"Ma jirto hal cadeymo ah oo muujinaya in dowladda Itoobiya ay gargaarka bini'aadantinimo u adeegsatay qalab dagaal," ayuu ergaygu u sheegay AFP, isagoo ku tilmaamay warbixinta mid " jeesjees ah" iyo "qashin".

Dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo xulafadooda iyo jabhado ay hogaaminayso kooxda TPLF ayaa dib u soo cusboonaatay bishii Ogosto kadib markii ay mudo shan bilood ah hakad ku jireen.

Ku soo laabashada furimaha dagaalka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay sii xoogeysanayaan dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu doonayo in si nabad ah lagu xalliyo dagaalka ku dhow labada sano ee ka socda dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM