Itoobiya oo ‘fashilisay’ weerar dhanka internet-ka ah

Image
Shumete Gizaw, agaasimaha Guud ee hay'adda INSA.

ADDIS ABABA - Itoobiya ayaa Talaadadii sheegtay in ay joojiyeen weeraradii caalamiga ahaa ee lagu doonayay in lagu bartilmaameedsado biyo xireenka wayn ee Grand Renaissance Dam (GERD) iyo hay’adaha maaliyadeed ee ugu waaweyn dalka.

"Weerarada internetka ee fashilmay waxaa ka mid ah isku dayo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada GERD iyadoo lala beegsaday 37,000 kombiyuutarro isku xiran oo ay isticmaalaan hay'adaha maaliyadeed," ayuu yiri Shumete Gizaw, agaasimaha guud ee Hay'adda Ammaanka Shabakadda Macluumaadka Itoobiya (INSA).

Waxa uu Talaadadii la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee dawladdu maamusho.

Mr Shumete ayaa ku eedeeyay hay’ad ay maalgaliyeen wadamada “ka xaasidka ku ah dadaalka nabadda iyo horumarka Itoobiya” ay ku dhawaaqday dagaal dhanka Internetka ah oo ka dhan ah Addis Ababa iyadoo halku-dhiggiisu yahay “Dagaalka Ahraamta Madoow”.

Si kastaba ha ahaatee, ma uusan shaacin dalalka ay ku lug leeyihiin kafaala qaadka iyo ururka iyo halka ay salka ku hayso.

Horay, Addis Ababa waxay ku eedaysay tuugo fadhigoodu yahay Masar in ay isku dayeen in ay jabsadaan nidaamyada kombuyuutarrada ee Itoobiya. Masar ayaa si weyn uga soo horjeeda biyo-xireenka iyada oo ku doodaysa in loo baahan yahay in heshiis laga gaadho sidii loo buuxin lahaa, loogana shaqayn lahaa dhismahan maadaama laga dhisayo isha ugu muhiimsan ee biyaha Qaahira. Hase yeeshee Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa in biyuhu marka hore yihiin mashruuc madaxbannaan oo aanay waxba u dhimi doonin waddamada hoose ee Suudaan iyo Masar.

Mr Shumete ayaa sheegay in isku dayga isxigxiga ee weerarada dhanka Internetka looga dan lahaa in lagu waxyeeleeyo dhismaha lagu guuleystay ee dhismaha biyo xireenka weyn.

Waxa uu ka digay in weerarada dhanka Internetka ee ka dhanka ah GERD ay sii kordhi karaan mustaqbalka, iyo in la fulinayo amniga internetka oo wadajir ah si loo ilaaliyo dhismaha iyo maamulka shaqada weyn ee biyo xireenka.

"Weerarrada internetka ee lagu bartilmaameedsanayo hay'adaha maaliyadeed waxay keeni lahaayeen saameyn xun haddii weerarrada la isku dayey lagu guuleysto," ayuu raaciyay.

Ma cadda hay’adaha maaliyadda Itoobiya ee lala beegsaday weerarrada dhanka Internetka ah.

Mr Shumete, si kastaba ha ahaatee, waxa uu kula taliyay hay’ado kasta oo maaliyadeed in ay fuliyaan tillaabooyin difaac oo dhammaystiran si loo ilaaliyo xogta xasaasiga ah ee weerarrada internetka.

Hay’adda sirdoonka dalka ee INSA ayaa sheegtay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay fashilisay in ka badan 3,400 oo isku day weeraro dhanka Internetka ah.

Sannadkii 2020, INSA waxay sheegtay inay si guul leh u fashilisay weerarro dhanka Internetka ah oo ka yimid Masar.

Wakaaladdu waxay sheegtay in burcad-badeedda fadhigoodu yahay Masar-Cyber_Horus Group, AnuBis.Hacker iyo Security By Passed ay soo agaasimeen weerraradii internetka ee markaas la fashiliyay.

"Kooxahani waxay sheegteen mas'uuliyadda weerarrada, iyaga oo ujeedkoodu ahaa inay Itoobiya ku abuuraan cadaadis dhan walba ah oo khuseeya Biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), gaar ahaan in la joojiyo buuxinta biyo-xireenka," INSA ayaa bayaan ku sheegtay 2020-ka.

Iyadoo ay sii kordhayaan weerarada dhanka Internetka ah ee ka dhanka ah Itoobiya, ayaa dalka Geeska Afrika waxa uu bishii hore martigeliyay shir ay isugu yimaadeen hay’adaha sirdoonka milateriga ee bariga Afrika.

Shirkii Adis-ababa ee bartamihii bishii April waxaa ka soo qayb galay Ethiopia, Djibouti, Sudan, South Sudan, Somalia, Tanzania iyo Uganda.

Intii uu socday kulanka ayaa hay’adaha sirdoonka milateriga waxay isku afgarteen in si wadajir ah looga wada shaqeeyo xoojinta amniga gobolka iyo ka hortagga weerarrada ay ka mid yihiin weerarrada dhanka Internet-ka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019.

  • Afrika

    19-04-2025

  • 03:38PM

Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

  • Afrika

    13-04-2025

  • 12:32PM