Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay "xubno ka tirsan Daacish"

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Jeneraal Berhanu Jula, taliye ku xigeenka ciidamada waddanka Itoobiya ahna madaxa howlgalada, ayaa u sheegay warbaahinta in ay qabteen "xubno ka tirsan" Daacish.

Sidda laga soo xigtay Jeneraalka, kooxdan ayaa meelo kala duwan oo dalkaas kamid ah waxay isku dayeysaa in ay isku balaariso kuna yeelato unug xoogan, balse wuxuu carabka ku dhuftay in ay ku fashilantay.

Warbixino laga helay hay’addaha sirdoonka ayaa waxay qeexayaan in ay jiraan tirro dagaalyahano ururkan kamid ah, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay dibadda, ay galeen dalkaas bilooyinkii lasoo dhaafey.

"Wali ma caddeyn karno qorshahooda, balse waxay sameynayaan dhaqdhaqaaq si ay u aqoonsadan dagaalameyaashooda, isha ayaanse ku hayaan," ayay wakaaladda wararka Itoobiya kasoo xigtay sarkaalka.

Dhowaan Daacishta Soomaaliya ayaa baahisay muuqaalo lagu turjumay afka Amxaariga, taasi oo idaacadda VOA-da ku fasirtay in ay doonayan farac ka yeeshaan dalkan dhaca Geeska qaaradda Afrika.

"Ciidamadeena habeen iyo maalin waa ay shaqeyn doonan si ay u kala jebiyaan qorsheyaashooda. Ma jiri doonto wax waqti nasasho ah," ayuu hadalkiisa kusii daray Jeneraal Berhanu Jula.

Ururkan oo Soomaaliya kaga sugan degaanada Puntland gaar ahaan buuraleyda gobolka Bari ayaa Geeska mandiqada kasoo if-baxay 2015-kii, waxaana hogaamiye u ah Cabdiqadaair Muumin.

"Dadka Itoobiya waxaan u sheegeynaa in aysan haatan ISIL joogin Itoobiya, aysana awood u lahayn in ay ka howlgalaan," ayuu xusay, isaga oo tibaaxay in qof walba oo la tuhmo lasoo xiri doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM