Itoobiya oo muddeysay bixitaanka ciidanka xulafada la ah

Image
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii heshiis nabadeed uu dhexmaray Addis Ababa iyo TPLF.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Wasiirka Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya Legese Tulu ayaa sheegay in dhammaan ciidamada ku dagaallamaya gobolka Tigray ee aan ka tirsaneyn ciidamada federaalka ay isaga bixi doonaan marka hubka ay dhigaan jabhadda TPLF.

Ciidamada Axmaarada iyo Canfarta iyo sidoo kale ciidamada Eritereeya ayaa ka barbar dagaalamayey ciidamada federaalka oo labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal kula jiray jabhada TPLF ee Tigreega.

Xukuumada iyo kooxda TPLF ayaa 2-dii November heshiis nabadeed ku kala saxiixday magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, si loo soo afjaro dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi.

Sidoo kale, ciidamada iyo taliyayaasha kacdoonka ayaa 12-kii bishan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kala saxiixday heshiis nabadeed.

Dhanka kale, xisbi mucaarad ah oo ka dhisan gobolka Tigray ee Baytona Tigray ayaa diiday heshiiska nabadeed, wuxuuna sheegay in TPLF aysan matalin qoomiyada Tigrayga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya oo Dib u billowday Sahaminta Shidaalka Badda Xili Dalka uu wajahayo Amni darro

Inkasta oo Libya ay weli wajahayo qalalaase siyaasadeed tan iyo ridistii xukunka Muammar Gaddafi sanadkii 2011.

  • Afrika

    06-10-2025

  • 06:09AM

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Mar Kale Ku Celiyey In Dalkaasi Uu Heli Doono Marin-Badeed  

Hadalka Abiy ayaa imaanaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu yahay mid xasaasi ah, ka dib markii bishii Janaayo ee 2024.

  • Afrika

    04-10-2025

  • 12:00PM