Itoobiya oo xustay "guushii" ay ka gaartay dagaalkii 1977
ADDIS ABABA, Ethiopia – Itoobiya ayaa shalay oo Axad ahayd xustay sanad guuradii 44-aad ee ka soo wareegatay waxa ay ugu yeereen guushii Karramara oo ah munaasabad xusuuseed loo qabto askartii Cuba kaga dhimatay Dagaalkii ay la galeen Soomaaliya iyaga oo garab siinayay Itoobiya sanadkii 1977-dii.
Ciidan badan oo ka socday Kubba oo taageero ka helayey Midowgii Sofiyeet ayaa ku garabsiiyey Ciidankii Itoobiya dagaalkii 1978 dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya dagaalkaasi waxa uu istaagay 15-kii May 1978-dii, xiligaas Itoobiya ayaa nafis heshay maadaama gurmad deg deg ah ka heshay midowgi Soofiyeet iyo Kubba.
Ujeedada dagaalka ee Soomaaliya ayaa ahayd in dhulalka Af-soomaaliga looga hadlo lagu soo celiyo Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya.
Xubnihii dublamaasiyadeed ee Cuba, dhaqaatiir caalami ah, dadka reer Cuba iyo Itoobiyaanka lagu tababaray dalka Antillian ayaa xamaasadda ka bilaabay beerta saaxiibtinimada ee Itoobiya iyo Cuba, iyadoo ay wehelinayaan boqolaal muwaadiniin ah oo ka soo qayb galay xuska.
Goobtan oo loogu magac daray Tiglachin Monument (Halgankeenii oo Af Amxaari) ayaa ah goobta ay Itoobiya ugu mahad celiso madaxda dawladda Cubs iyo ciidankii Cuba ee garab istaaga u muujiyay wadankaan.
Munaasabada waxaa ka hadlay danjiraha Cuba u fadhiya Adis Ababa Jorge Lefebre, waxa uuna amaanay “cutubka caalamiga ah ee Cuba” kaas oo qayb galay dagaalkaan isaga oo sheegay in caawintu ku timid codsi uga yimid dowladda Itoobiya oo wajahaysay dagaal xooggan.
Waxa kale oo uu ka hadlay in naf-hurnimada askarta Kuuba ay noqotay aasaaska walaaltinimada iyo wadajirka labada dal, iyada oo ay sacab tumayeen boqolaal ka soo qayb galay munaasabad xasuuseedkaan.
Xuska iyo tookha Itoobiya ee dagaalkii 77 waxa uu dad badan oo Soomaaliyeed xusuusinayaa in weli Itoobiya uu ka taliyo maamulka Dergiga ee hanti wadaagga ahaa kaas oo u hammuun qabay in uu dhul iyo dad uusan lahayn qabsado xoog iyo xalaal hadba kii suuragal ah.
Dad badan oo Soomaaliyeed maanta waa ogyihiin in Minilik, Xayle Salaase, Mingistu Xayle Maryan, Melez Zanawi iyo Abiy Axmed ay isku aragti ka yihiin hormarinta damaca dhulballaarsiga balse waxa ay ku kaladuwan yihiin ay yihiin qaabka (Method) loo marayo sida Soomaalida oo dhan looga dhigi karo qabiil kamid a kuwa Itoobiya (Ethnic group) kaas oo leh ismaamul-goboleed katirsan federaalka Itoobiya.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed qaabka uu qaatay si uu u horumariyo aragtida damaca dhulballaarsiga waa qiyaanada qarsoon ee isdhexgalka geeska Afrika (Integration) taas oo ah hubka aamusan ee lagu qabsado dadka iyo dowladahoodaba si loogu daro dalal kale.
GAROWE ONLINE