Itoobiya: Xal laga gaaray Colaada Soomaaliya iyo Canfarta

Image

JIGJIGA - Guddiga xallinta khilaafka dhex yaalla labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya oo kulan ku yeeshay magaalada Jig-jiga, ayaa soo saaray qodobo muhiim ah, oo xal u noqon kara dagaalka u dhexeeya maleeshiyaadka labada dhinac.

Qodobada la isku afgartay ayaa waxaa kamid ahaa, In la kala qaado labada maleeshiyaad ee is hor fadhiyaan, isla markaana la sameeyo goobo ka caaggan ciidamada.

Dhinaca ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la qabto kulamo la isugu soo dhawaynayo shacabka degaannada Soomaalida iyo Canfarta si meesha looga saaro dirirta soo noqnoqotay ee deegaanka.

Guddiga ayaa sheegay in la isku afgartay in dadkii barakacayaasha ah ee dhibaatadu soo gaartay dib loogu celiyo goobahoodii, iyo in dib u dejin loo sameeyo, iyadoo arrintan ay iska kaashan doonaan xukuumadda Federalka iyo labada dowlad degaan.

Qodobka u dambeeya ee isna la isku afgartay ayaa ah In xal waara laga gaaro sababta keenaysa ama ka dambaysa khilaafka soo noqnoqonaya ee u dhaxeeya degaannada Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo qodobkan guddi gaar ah loo saaray si ay xal uga gaaraan.

Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaannada ay ku muransan yihiin sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan labada deegaan.

Bishii April 2021 waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta, kaas oo xal loogu raadinayay xiisada labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobalka Siti.

Qodobadan ayaa haddii ay siday yihiin u hirgalaan waxaa xal waara laga gaari doonaa, khilaafka iyo isku dhacyada inta badan u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo labadan shacab ay yihiin kuwo aad isugu dhaw dhanka dhaqanka, diinta iyo nolosha kaleba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM