Jabuuti oo Kenya ka diiday in ay uga tanaasusho jago muhiim ah

Image

NAIROBI, Kenya – Jabuuti ayaa ka biyo diiday in ay Kenya uga tanaasusho xubinimadda aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay, sidda uu ku waramayo wargeyska afka dheer Daily Nation.

Dalalkan kawada tirsan Geeska qaaradda Afrika ayaa aad ugu loolamaya jagadaan, oo la filayo in Golaha Guud ee UN-ka uu u coddeeyo bisha June, iyadda oo cod-bixinta ugu dambeysay loo muddeeyay 21 August.

Dowladahan ayaa waxay wadaan dedaaladii ugu dambeeyay oo ay ku hananayaan xilkaasi aadka muhiimka u ah, iyaga oo taageero waydiisanaya wadamada ay xulafadda la yihiin ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Guuleystaha xilkan ayaa wuxuu u baahan in uu helo codad gaaraya saddex meelmood laba dalool oo ah wadamadda qaybta ah ururka ay ku mideysan yihiin dalalka dunida.

Midkood Kenya iyo Jabuuti, dhinacii kusoo baxa xilkan ayaa wuxuu golahaasi xubin ka ahaan doonaa inta u dhaxeysa 2021 illaa iyo sanadka xiga ee 2022.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, unug awood badan oo UN-ka ka tirsan, ayaa ka kooban 15 xubnood oo Shan kamid ah yihiin kuwa joogta ah, halka inta soo hartay lasoo doorto labadii sano hal jeer.

Xubnaha joogtada ah oo kala ah; Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska ayaa waxay haystaan awood dheeraad ah oo la yiraahdo codka diidmada qayaxan.

Faa'iidooyinka dheeraad ah ee ay leedahay kamid noqoshada golahan ayaa waxaa kamid ah jaan-goynta Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka guud ahaan caalamka.

Si lamid ah, ogolaanshiyaha xubnaha cusub ee kusoo biiraya Qaramada Midoobay, isbedel lagu sameeyo Axdiga UN-ka iyo sameynta shuruucda Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM