Japan oo taageertay in Midowga Afrika xubin ka noqdo G-20

Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, uu baaqan soo jeediyey todobaadkii hore.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Japan ayaa taageero u muujiyay Isniintii in Midowga Afrika uu xubin joogto ah ka noqdo G-20, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha dalkaas.

"Marka la eego doorka ballaarinta ee dalalka Afrikaanka ah ee beesha caalamka sannadihii la soo dhaafay, Japan waxay aad u dooneysay inay xoojiso xiriirka Afrika," ayay Kyodo News ka soo xigtay Fumio Kishida oo ka hadlayay shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweynaha Senegal, Macky Sall ee Tokyo.

Sall, oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo jeedinta Kishida. Balse, waxa uu rajo ka muujiyey in aduunka isku-raaco.

Labada mas'uul oo wadahadalo toos ah yeeshay ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay ka wada shaqeeyaan mashaariicda horumarinta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Senegal.

Hogaamiyaha Japan ayaa ballan qaaday in Tokyo ay bixin doonto ilaa 10 bilyan yen ($ 72.8 milyan) oo deyn dulsaar yar ah oo la siinayo waaxda waxbarashada ee Senegal iyo ilaa 15.42 bilyan yen ($ 112.3 milyan) oo gargaar deeq ah oo loogu talagalay warshadaha kalluumeysiga.

Hadalka Kishida ayaa yimid kadib baaqii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden todobaadkii hore ee ahaa in Midowga Afrika uu xubin joogto ah ka noqdo G-20.

"Afrika waxay ka tirsan tahay miiska qol kasta, halkaas oo caqabadaha caalamiga ah looga hadlayo, iyo xarun kasta oo ay ka socdaan doodo wax ku ool u leh horumarka aduunka," ayuu yiri Biden

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo Ciidamo u Dirtay South Sudan Iyada oo Cabsida Dagaal Sokeeye Sii Kordhayso

Xariga wuxuu ka dambeeyay dagaallo ka dhacay gobolka Upper Nile ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad loo yaqaan White Army.

  • Afrika

    12-03-2025

  • 12:17PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Salva Kiir kala hadlay xaaladda South Sudan

Taliyayaasha dowladdu waxa ay qaar ka mid ah la haysteen marka koox loo yaqaan 'White Army' ay weerareen qaybo ka mid ah dalka.

  • Afrika

    10-03-2025

  • 02:27PM