Jeneraal loo xiray eedeynta maamulka Abiy oo lasii daayay

Image
Booliiska ayaa sheegay inay uga shakiyeen inuu isku dayay inuu burburiyo nidaamka dastuuriga ah.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Janaraal ka tirsan ciidamada Itoobiya oo xabsiga loo taxaabay markii uu bilaabay hawlgallo ballaaran oo ka dhacay gobolka Amxaarada ee woqooyiga dalkaas ayaa lagu sii daayey dammaanad, sida uu qareenkiisu u sheegay BBC.

Sarreeye Guuto Teferra Mamo ayaa lagu xiray Addis Ababa bishii hore, waxaana markii dambe loo kaxeeyay magaalada Bahir Dar ee xarunta Axmaarada.

Booliiska oo tafaasiil kooban kiiskan ka siiyey warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ayaa sheegay inay uga shakiyeen inuu isku dayay inuu burburiyo nidaamka dastuuriga ah.

Xarigiisu oo si weyn loo baahiyey ayaa waxa uu qayb ka ahaa olole uu maamulku ugu yeedhay hawl-gal sharci oo lagu xidhay in ka badan 6,000 oo qof oo ku nool gobolka.

Gen Teferra waxa uu ahaa taliyaha ciidamada gaarka ah ee Amxaarada, kuwaas oo xulafada la ah dawladda federaalka dagaalka ay kula jiraan ciidamada Tigreega, ilaa laga xayuubiyay booskiisii ​​bishii February. Intaa ka dib waxa uu eedayn u jeediyay dawladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM