Kenya Airways oo duulimaad toos ah ka bilawday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadd Diyaaradda Kenya Airways ayaa duulimaad maalinle oo toos ah kaas oo ah min Nairobi illaa iyo Muqdisho ah, bilawday Talaadda maanta ah, xili la rajaynayo inay noqoto talaabo xoojisa xiriirka ganacsi ee labadda wadan.

Aircraft Leasing Services, oo ah Shirkad duulimaad oo siisa diyaaradaha kale ruqsad iyo adeeg duulimaad, ayaa metali doonta Kenya Airways, inta lagu guda jiro howlaha ay kawado Soomaaliya.

"Waxaan rajeyneynaa in aan fududeyno fursado ganacsi oo dheeraad ah oo loogu marayo Soomaaliya inaga oo ku socona waddadan cusub,” ayuu yiri Sebastian Mikosz, oo ah madaxa fulinta ee Kenya Airways.

Mikosz ayaa hadalkiisa ku daray in talaabadda ay qaadeen ay usahleyso Soomaalida ku nool Kenya iyo jaaliyada kale ee ka imaaneysa dalalka kale ee caalamk, marka ay rabaan inay dalkooda hooyo kusoo laabtaan.

Sida laga soo xigtay daraasad cusub, Soomaaliya waa mid kamid ah suuqyadda ugu wayn oo ay Kenya wax udhoofiso.

Sanadkii 2017-dii, wax soo saarka ay Kenya usoo dhoofisay wadanka waxaa uu sarre uga kacay 33.5%, wuxuuna gaarey 10.7 milyan oo lacagta Kenya, taasi oo udhiganta 107 milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Kenya Airways, sikastaba, waxay ku biireysaa liiska shirkado diyaaradeed oo caalami ah, kuwaasi oo uu soo jiitay garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo ay ugu dambeysay Ethiopia Airlines, xili ay Qatar Airways bilaabeyso 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM