Kenya: Beesha Caalamka uma dhama dalabkii Swan ee doorashada JL

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Dowladda Kenya ayaa Talaadada maanta ah waxay shaacisay in dalabkii wakiilka Qaramada Midoobay ee doorashadda Jubbaland "aysan u dhameyn" guud ahaan Beesha Caalamka.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu dalbaday in codsigaasi uu ka noqday James Swan, oo ah diblumaasi sarre oo kasoo jeeda waddanka Mareykanka.

Nairobi oo qoraalkeeda ku xustay in ashtako ka dhan ah ergayga ay u gudbineyso xafiiska siyaasadda UN-ka ayaa tilmaamtay in Swan uu kaliya warqad copy ah uu u diray safaarada Itoobiya.

Ergayga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa soo jeediyay saddex qodob oo kala ah; dib u furida diiwaan-gelinta murashaxiinta, in guddi baarlamaani ah uu maamulo coddeynta iyo xalinta tabashooyinka mucaaradka.

"Kenya lagalama tashan dhamaan, sidda cadaadooyinka caalamka, wakiilka waxa uu mateli karaa beesha caalamka marka loo dhan yahay. Warqada uu ku saxiixan yahay Mr Swan oo aan loo dhameyn waa in laga noqdaa," ayay tiri.

Maamulka Kismaayo ayaa qayb ahaan qaatay qodobadaasi, halka uu ku gacansayray inta kale, waxaana dowlad goboleedka uu ku adkeystay in coddeynta madaxweynaha ay qabsoomeyso 22-ka bishan August.

"Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay wuxuu wali sameynayaa dalabyo; isaga oo kusoo rogaya shuruudo si ay u dhacdo doorashadda madaxweynaha," ayaa lagu yiri qoraalka Kenya, oo uu arkay warsidaha GO.

Ugu dambeyntii, bayaanka oo loogu baaqay dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay in ay taageeran Guddiga Doorashada ayaa ka digtay in la carqaladeeyo coddeynta oo "muhiim u ah" xasiloonida dalka iyo gulufka AlShabaab.

WARQADDA OO ENGLISH AH

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM