Kenya: Beesha Caalamka uma dhama dalabkii Swan ee doorashada JL

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Dowladda Kenya ayaa Talaadada maanta ah waxay shaacisay in dalabkii wakiilka Qaramada Midoobay ee doorashadda Jubbaland "aysan u dhameyn" guud ahaan Beesha Caalamka.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu dalbaday in codsigaasi uu ka noqday James Swan, oo ah diblumaasi sarre oo kasoo jeeda waddanka Mareykanka.

Nairobi oo qoraalkeeda ku xustay in ashtako ka dhan ah ergayga ay u gudbineyso xafiiska siyaasadda UN-ka ayaa tilmaamtay in Swan uu kaliya warqad copy ah uu u diray safaarada Itoobiya.

Ergayga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa soo jeediyay saddex qodob oo kala ah; dib u furida diiwaan-gelinta murashaxiinta, in guddi baarlamaani ah uu maamulo coddeynta iyo xalinta tabashooyinka mucaaradka.

"Kenya lagalama tashan dhamaan, sidda cadaadooyinka caalamka, wakiilka waxa uu mateli karaa beesha caalamka marka loo dhan yahay. Warqada uu ku saxiixan yahay Mr Swan oo aan loo dhameyn waa in laga noqdaa," ayay tiri.

Maamulka Kismaayo ayaa qayb ahaan qaatay qodobadaasi, halka uu ku gacansayray inta kale, waxaana dowlad goboleedka uu ku adkeystay in coddeynta madaxweynaha ay qabsoomeyso 22-ka bishan August.

"Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay wuxuu wali sameynayaa dalabyo; isaga oo kusoo rogaya shuruudo si ay u dhacdo doorashadda madaxweynaha," ayaa lagu yiri qoraalka Kenya, oo uu arkay warsidaha GO.

Ugu dambeyntii, bayaanka oo loogu baaqay dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay in ay taageeran Guddiga Doorashada ayaa ka digtay in la carqaladeeyo coddeynta oo "muhiim u ah" xasiloonida dalka iyo gulufka AlShabaab.

WARQADDA OO ENGLISH AH

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM