Kenya: Maxaa ka jira in la xiray Gudoomiyaha Garissa?

Image

GAARISA - Gudoomiyaha magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyiga bari ee Kenya, Cali Bunow Qorane ayaa sheegay in aan la xirin balse uu isagu iska xaadiriyay booliiska si aan uga jawaabo eedaymaha loo soo jeediyay.

Cali Bunow ayaa wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka ay saxaafadda Kenya tabisay ee ku saabsan in askar ay ku waabariisatay gurigiisa ka dibna xirtay 5:00 subaxnimo markii uu soo baxay.

"Tani waxaan u sameeyay inaan ahay muwaadin u hogaansan sharciga Kenya, aniga la-ima xirin, wax ka jirana ma lahan wararka ay baahiyeen warbaahinta qaar," ayuu yiri gudoomiyaha Gaarisa.

I did this as a law abiding citizen and was not under arrest as alleged by sections of local media houses

Waxaa la sheegay in loo haysto in uu isku dayay in uu dilo wasiir goboleedkii hore ee maaliyadda Gaarisa Idriis Aadan sida ay ku warrantay warbaahinta Kenya oo uu ka mid yahay wargeyska Daily Nation.

Cali Bunow Qorane ayaa faahfaahinta warkaas soo dhigay Twitter-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM