Kenya oo ciidamo dheeri ah gaysay xuduudka Soomaaliya

Image
Al Shabaab ayaa weerarkooda ku burburiyay Taawer ay lahayd shirkada isgaarsiinta Kenya ee Safaricom.

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa boqolaal ka tirsan ciidamadeeda soo dhoobtay xuduudka Soomaaliya kadib markii dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen tuulo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

Sida laga soo xigtay booliska Kenya, kooxda weerarka geysatay ayaa burburiyay xarun isgaarsiineed oo ku taal magaalada Rhamu.

Al Shabaab ayaa weerarkooda ku burburiyay Taawer ay lahayd shirkada isgaarsiinta Kenya ee Safaricom.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ay maqleen jug xoogan, waxaana markii dambe ay ogaadeen inay Al Shabaab bom ku qarxisay xarun isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Kenya ee Safaari.

Kooxihii weerarka geystay ayaa baxsaday wax yar ka dib markii uu falka dhacay iyadoo ciidamada ilaalada ka ah xaruntaas ay sameeyeen iska caabin.

Dowladda Kenya oo ka jawaabaysay weerarkii dhacay subaxnimadii Isniinta, waxay ciidamadeeda ammaanka u dirtay in ay ugaarsadaan raggii falkan ka dambeeyay, kuwaas oo u baxsaday aagga xuduudda Soomaaliya.

Taliyaha booliska waqooyi bari George Seda ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo badan oo booliis ah si ay uga daba tagaan kooxda weerarka geysatay oo u baxsaday dhanka xadka.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro waaweyn ka fuliyay gudaha dalka Kenya, si ay ugu aargudaan ciidamada Nayroobi u soo dirtay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay qeyb uga noqdaan ciidamada Midowga Afrika ee hoos taga mujaahidiinta.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa dooneysa in ay afgambiso dowladda uu caalamku taageero ee Muqdisho, waxaana ay ka taliyaan deegaanno ka tirsan Koonfurta Soomaaliya oo ay si joogto ah weeraro uga geystaan caasimadda iyo meelo kale.

Gobolka Lamu, oo ay ku jiraan meelaha loo dalxiis tago ee caanka ah ee Jaziirada Lamu, waxa uu ku dhow yahay xuduudka Soomaaliya, waxaana ka dhaca weeraro joogto ah, oo inta badan lagu qaado qaraxyo jidgooyo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019.

  • Afrika

    19-04-2025

  • 03:38PM

Doorashadda Gabon: Hogaamiyihii afgembiga Oligui Nguema oo la Filayo Inuu Guuleysto

Nze wuxuu uga digay suxufiyiinta in ay dhici karaan “dhibaatooyin” inta lagu jiro tirinta codadka.

  • Afrika

    13-04-2025

  • 12:32PM