Kenya oo codsatay in laga caawiyo qabashada rag ay ugaarsaneyso

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa ka dalbaday dadwaynaha dalkaasi in ay ka caawiyaan xog lagu soo xiri karo saddex shaqsi oo lala xiriirinayo argagixiso.

Raggaan ayay laamaha amaanka shaaciyeen in ay ka dambeeyaan falal liddi ku ah nabad-gelyadda wadankaasi deriska la ah Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Kenya, Anthony Munga, ayaa soo bandhigay sawiradda raggaan oo uu xusay in aad u hubeysan yihiin.

"Raggaan waxay ku biireen kooxo jihad-aloos-yaal ah, falal argagixiso ayay qorsheynayaan, kusoo war-geli saldhiga kuugu dhow hadaad aragto," ayuu yiri.

Afhaeenka ma uusan shaacin magacyadda xubnahaasi. Si lamid ma ah ma uusan bidhaamin xoogaga ay ka tirsan yihiin.

Halista ugu way nee amaanka Kenya waxaa haatan ku haysa Al-Shabaab tan iyo markii ciidanka dalkaasi ay ku biireen howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa tan iyo waqtigaasi kordhisay weerarada ay ka fuliso Kenya, iyadda uu ugu dambeeyay midkii DusitD2 oo lagu dilay in ka badan 20 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM