Kenya oo doondooneysa shaqsi ay Soomaaliya qabatay 2017-kii

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Booliska Kenya ayaa ku dhawaaqay Sabtida maanta ah 29-ka September in ay baadigoobayaan Cabdiwaaxid Khaliif Aadan.

Cabdiwaaxid oo ku magac-dheer Ciise Tarabuun ayaa waxaa la sheegay in wadankaas dhaca Geeska Afrika uu galay 24-ka bishan September ee sanadkan.

Qoraal kasoo baxay taliska bileyska ayaa dadweynaha lagu weydiistay in ay kusoo wargeliyaan hadii ay meel ku arkaan ama ay hayaan xogta shaqsigan.

Arrinta layaabka leh ayaa ah waxay in magaca ruuxa ay Nairobi doon-dooneyso uu lamid yahay shaqsi ay dowladda Soomaaliya qabatay laba sano kahor.

Wasiirka Amniga gudaha, Maxamed Abuukar Islow [Ducaale] ayaa 20-kii June 2017-kii shaaciyey in Ciise Tarabuun laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha.

Mr Ducaale, "oo ku farxay" qabashada ruuxan oo howlgal lagu soo xiray, ayaa ku tilmaamay in uu yahay madaxa Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir.

"Waan ku faraxsanahay maxaa yeelay waa ninka kaliya ee hadii qof la dilaayo dhiibi jiray amarka ugu dambeeya," ayuu raaciyey, isaga oo u mahadceliyay ciidanka.

Dhowr su'aallo ayaa ka dhashay arrintan. Waxaa kamid ah; Miyuu baxsaday, ma dambi ayaa lagu waayey ama Kenya ayaa macluumaad been ah faafineysa?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM